Xildhibaano qorsheynaya iney mooshin ka diyaariyaan R/wasaare Cabdi Weli

Mareeg.com: Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Mareeg Media ayaa sheegaya iney jiraan xildhibaano qorsheynaya iney baarlamaanka geeyaan mooshin ka dhan ah R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Arrintaan ayaa imaaneysa kadib markii uu cirka isku shareeray khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed.

Ilaa hadda lama shaacin tirda xildhibaanada mooshinka wada, hase ahaatee waxaa socda qorshahaas, inkastoo xildhibaanada taageersan R/wasaaraha aya wadaan qorshe ay uga hortegayaan mooshinkaas.

Khilaafka madaxweynaha iyo R/wasaaraha ayaa gudoomiyaha baarlamaanaka Soomaaliya Prof. Jawaari sheegay in lagu xallin doono qaab dastuuri ah.

Horay ayaa baarlamaanka Soomaaliya usoo gebagebeeyey khilaaf soo kala dhexgalay madaxweyne Xasan iyo R/wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo baaralaanku codka kalsoonida kala laabtay December, 2013.

Mareeg Media

Sharing is caring!

View All

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com