Xildhibaanada Baarlamaanka Oo Codka Kalsoonida Ah siiyay Ra’iisul Wasaaraha Cusub Ee Dalka

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya iyo kuwa Aqalka Sare ayaa codka kalsoonida ah siiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta hortagay Baarlamaanka.

 

231-xildhibaan oo isugu jiray Aqalka Sare iyo Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa fadhiga Baarlamaanka Soomaaliya soo xadiray maanta oo Arbaca ah, waana kalfadhiga Kowaad ee Baarlamaanka.

 

Codeyn gacan taag aheyd kadib Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Kheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in 231- xildhibaan ay codka kalsoonida ah siiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre  ma jirin wax ka aamusay, ama diiday.

 

Sharing is caring!

Next page

About Xuseen Axmed 1577 Articles

Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia