Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo Xilka Loo Dhaariyey




Sharing is caring!

Waxaa goordhaweyd la dhaariyey in ka badan 60 xildhibaan oo ka mid noqonaya baarlamaanka Galmudug State ee shirka lagu sameynayo uu wali ka socdo magaalada Cadaado.

Xaflad balaaran oo ka dhacday hoolka shirarka Cadaado ayaa waxaa kasoo qeybgalay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari, wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Cabdiraxmaan Odawaa iyo wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah Cabdiraxmaan Ceynte iyo wasiiru dowlaha madaxtooyada Mahad Maxamed Salaad iyo saraakiil kale oo dowladeed.

Prof. Jawaari oo ka hadlay munaasabadda ayaa bogaadiyey sida hufnaanta ah ee lagu dhisey baarlamaanka, laguna soo xuley xildhibaanada, isaga oo ku tilmaamay in maamulkani uu yahay kii ugu wanaagsanaa oo ay Soomaali dhisato, islamarkaasina iyagu ay hormuud ka ahaayeen.

Isaga oo kasoo tusaale qaadanaya badeecooyinka dusha looga qoro hadba dalka lagu sameeyey ayuu yiri “Galmudug was Made in Somalia” oo uu ula jeedey “Galmudug waxaa lagu warshadeeyey Soomaaliya”, waxa uu intaasi ku daray in dhismahani uu tusaale wanaagsan u yahay maamulada kale ee dhismaya.

Xildhibaanada ayaa markii la dhaariyey waxa ay doorteen guddoon kumeel gaar ah inta laga dooranayo guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Galmudug iyo ku xigeenadiisa.

Next page