Xaalada Magaalada Caabudwaaq Oo Maanta Kacsan

Waxaa Saakay Degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud lagu soo waramayaa in Xiisad xoogan halkaasi ay ka jirto .

Xiisada ka jirto Degmada Caabudwaaq ayaa waxa ay u dhaxeysaa Labo Maleeshiyo oo wada dega degmadaasi.

Shalay ay aheed markii halkaasi uu ka dhacay dagaal Culus oo u dhaxeysa labo Maleeshiyo waxaana ku dhintay 6 qof halka ay ku dhawacmeen 10 qof..

Odayaasha Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa wada dadaalo lagu Xalinayo Xiisadda islamarkaana looga hortagayo dagaal mar kale dhaca.

Ma’ahan markii ugu horeysay oo dagaal kan oo kale ah uu ka dhaco Degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Sharing is caring!

Next page

About waashiton 811 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia