Wiilasha madaxweynihii hore ee Masar oo xabsiga laga sii daayey

Mareeg.com: Labadii wiil ee madaxweynihii hore ee Masar ee Xusni Mubaarak ayaa isniintii laga sii daayey xabsiga, kadib 4 sano oo ay xirnaayeen.

Masuuliyiinta xabsiga ayaa sheegay in Jamal iyo Calaa Mubaarak la sii daayay subaxnimadii Isniinta.

Jamal Mubarak oo markii loo badinayey inuu badeli doono aabihiis iyo Calaa Mubaarak oo maalqabeen ganacsade ah ayaa ka baxay xabsoga Durrah, iyagoo u dhaqaaqay xaafadooda uu ku taallka caasimadda dalkaas, qeybta loo yaqaano Masarta cusub.

Labadan wiiil iyo aabahooda oo weli xabsiga ku jira ayaa lagu eedeeyey musuqmaasuq ay ku kaceen intii aabahood dalka xukumayey.

Toddobaadkii hore, maxkamad ayaa amartay in la sii daayo si dacwadda loo haysto ee musuqmaasuqa mar labaad loogu celiyo.

Mubaarak ayaa wali xabsiga milatariga ku xiran, iyadoo lagu xukumay danbi xatooyo xoolo dadwayne.

Sharing is caring!

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com