Wasiirkii Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadii C/wali Sheekh Axmed oo Muqdisho ku geeriyooday

Wasiirkii kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Soomaaliya isla markaana jagadaas ka haayay Xukuumaddii kalsoonida ka weysay Baarlamaanka bishii Decembar sanadkii 2014 Maxamuud Coloow Barroow ayaa u geeriyooday xanuun in muddo ah hayay.

 

Wasiirka oo ilaa iyo hadda xilka wareejin maadama xukuumadda cusub ee dhawaan la soo dhisay Baarlamaanka meel marin ama ansixin ayaa si KMG ah jagadaas u haayay.

 

Marxuum Maxamuud Colow Barrow ayaa ka mid ahaa Xukuumadii dhacday ee Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed, waxaana uu mudooyinkan ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Gudoomiyaha baarlamanka Maxamed Sh. Cusman Jawaari, iyo Ra’iisul Wasaaraha Cumar C/rashiid ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Allaha u naxariistee si hayihii xilka Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Maxamuud Coloow Barrow oo saaka ku geriyooday Muqdisho.

 

Madaxda dalka ayaa ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeysay geerida ku timid Allaha u naxariistee si hayihii xilka Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Maxamuud Coloow Barrow.

 

Sidoo kale waxey tacsi taa la mid ah u direen eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday marxuumka, iyagoo u rajeeyay in samir iyo Iimaan Alle ka siiyo, marxuumkana jannadii fardowsa Alle ka waraabiyo.

 

Allaha u naxariistee Maxamuud Colow Barrow ayaa ku dhashay magaalada Jowhar, isagoo wax ku bartay, aabihii ayaa ahaa Nabadoon si weyn looga yaqaanay Jowhar iyo Shabeellaha Dhexe.

 

Marxuumka ayaa soo noqday Agaasimihii Wasaaradda Kallumeysiga ee dowladdii Siyaad Barre, sidoo kale waxaa uu horay dowladihii KMG safiir ka soo noqday dalal ku yaal Aasiya.

 

Marxuumka ayaa lagu wadaa in lagu aaso magaalada Muqdisho, iyadoo aaskiisa ay ka qeyb geli doonaan Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.

 

Sharing is caring!

Next page