Wasiirkii hore maaliyada Somaliland oo diiday inuu qabto wasaarada waxbarashada

Mareeg.com: Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland, Cabdicasiis Maxamed Samaale, oo habeen hore xilkaas laga qaaday, loona magacaabay wasiirka waxbrashada ayaa diiday inuu xilkaas qabto.

Wasiir Samaale ayaa sababeeyay diidmadiisa xilka wasaaradda Waxbarashada ee loo magacaabay, waxaanu sheegay in madaxweynuhu aanu arrintaas ka talo galin sidoo kalena uu dareensan yahay inay jiraan wax qarsoonm sida uu yiri.

“Wallaahi Madaxweynuhu Wuu Mahadsan yahay, Xilkaasna ma aqbalin, mana aqbalayo, diyaarna uma ahi inaan xil dambe ka qabto Xukumadda Madaxweynaha ka yahay Axmed Maxamed Siilaanyo, waanu mahadsan yahay arrintaasina arrin aan aqbalyo ama xil aan qabanayo maaha” ayuu yiri Samaale.

Wasiirka hore ee Maaliyaddu oo VOA-da la hadlay waxa uu sheegay inay Madaxweynaha isku ogaayeen dareen kalgacal iyo wanaag marnaba aanay isla soo qaadin in wasaaradda Maaliyadda laga qaado “Runtii, kalgacal iyo wanaag baanu isku ogayn, si lama filaana ayaanay arrintani u dhacday, Markaas qofka xilka waa laga qaadi karaa qof kalena waa loo dhiibi karaa laakiin, in la tixigaliyo qofka dareenkiisa, in la tix galiyo qofka rabitaankiisa iyo sida uu u arkayo, markaa arrintaasi waxaan u arkayaa inaan Madaxweynuhu dareenkayga, saaxiibtinimadayadii iyo wixii aanu isla soo maray midnaba qiimayn, dareenkuna maaha wasaaraddaha kala duwan oo farqi uma dhexeeyo, waxaanan jecelahay inaanan xilkaas qaban Wasaaradda Maaliyaddana dhakhso ugu wareejiyo, waxa qaloocdayna uu madaxweynuhu Insha Allah ogaan doono” ayuu yiri Samaale.

Cabdicasiis Samaale waxa uu ka hadlay hankiisa siyaasadeed iyo xiriirka isaga iyo madaxweynaha “Runtii Madaxweynaha imikaba waanu isku dhawnahay, waxaanse imika arkayaa inay wax qarsooni oo soo bixi doonaa hadda jiraan, annigase madaxweynuhu waa madaxweyn-nahaygii dareenkii iyo walaaltinimadii naga dhexaysayna waa sidoodii, waxaanan u hayaa Kalgacal wayn” ayuu yiri Samaale

Cabdicasiis Maxamed Samaale, ma sheegin inuu ka sii mid ahaan doono Xisbiga Kulmiye ee uu halganka kula soo galay Madaxweyne Siilaanyo, sidoo kalena hadda uu ka lahaa inuu Musharax Madaxweyne ka noqdo.

Arrinta Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirkiisa Maaliyadda soo kale dhexgashay ayaa keeni karta khilaaf iyo xafiiltan siyaasadeed iyadoo la ogyahay in Wasiiro badan oo hore uga tirsanaa Xukumadda Siilaanyo hadda Mucaarad yihiin.

Sharing is caring!

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com