Wasiir Diini: Guriceel waxaan ku arkay 8 sano jir qori loo dhiibay halkii iskuul loo diri lahaa




Sharing is caring!

Guriceel: Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane  C/qaadir Sheekh Cali Diini oo maalmahaan socdaal shaqo ku joogay gobolka Galgaduud ayaa kormeer ku gaaray qaar kamid ah meelihii ay dadku ku barakaceen iyo goobaha ganacsiga ee degmada Guriceel, isagoo dhinaca kale kormeer ku tagey Dugsiga tababarka Har-qadoobe  ee qeybta 21-aad halkaas oo ay la wareegeen Ciidamo ka socda AMISOM, isla markaana laga raray ciidamadii horey u daganaa kuwaas oo dagi doona degmad Dhuusamareeb.

Wasiirka ayaa ugu horeyn booqday mid kamid ah goobaha dhaca duleedka magaalada oo ay dagan yihiin dadkii ay colaaduhu ka barakiciyeen guryahooda, wuxuna u sheegay dowladda Soomaaliya in ay mar walba garab taagan tahay dadkeeda isla markaana ay hadda ku noqon karaan guryahoodii maadaama heshiis laga gaaray dagaalkii dhacay.

“Aad iyo aad ayaan uga xumaha in aad kasoo barakacdaan guryihiinii halkana ay dhibaato idin ku hayso, waa  murugo in aan aragno mustaqbalkii dalkeena oo haysan nolol iyo waxbarasho, waxaase aad u sii murugo ah in aan arko ilmo yar oo haysan gabaad ay maciinsadaan saarana geedaha korkooda, waxaan arkay ilmo 8 sano ka yar oo qori loo dhiibay halkii School loo diri lahaa, taasna waxaa sababay dhibaatada ay colaaddu leedahay, waxaan arkay mustaqbalkii dalkeena oo banaanada ku dayacan. Waxaa lagama maarmaan ah inaan fahamno, garawsanno una istaagno, inaan isku tashanno oo aan ka gudubno dhibka na dhex yaal ee noo diidan horumarka” ayuu yiri Wasiirka Difaaca oo la hadlayay dadkii isaga barakacay magaalada Guriceel.

Sidoo kale Wasiirka ayaa kormeer ku tagay suuqyada magaalada Guriceel halkaas oo ay dadku dib ugu soo laabanayaan goobahoodii ganacsiga, waxana ay wasiirka uga mahadceliyeen dadkii kala duwanaa ee lala kulmay heshiiska uu hormuudka u ahaa ee laga gaaray colaaddii uu dhiigu ku daatay ee ka dhacday deegaanka. Iyadoo uu Wasiirku xusay in tallaabada ay dadku goobahoodii dib ugu soo noqonayaan ay qayb ka tahay socdaalkii nabad raadinta ee uu gobolka u soo gaaray.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa maanta booqday Dugsiga tababarka Ciidamadda ee Har-qaboobe, wuxuna halkaasi kula hadlay saraakiisha Ciidamadda Xogga dalka Soomaliyeed, wuxuna ku ammaanay sida ay uga go’an tahay nabad in wax walba lagu raadiyo, iyadoo ay ammaanka xerada la wareegeen Ciidanka AMISOM.

“Ujeedkeennu waa in ay dadku nabad helaan dibna ugu soo noqdaan gurhaoodii, goobtan oo ahayd fariisin ciidan hadda waxaa sii joogi doona AMISOM oo maanta aan ku wareejinay amniga goobahii ay dirirtu ka dhacday, mar walba waa naga go’an tahay in dadkeena ay xasilooni ku joogaan guryahooda waayo waxaan khibrad nagu filan u haysanaa dagaallada aan laga fiirsan ee micno darrada ku dhaca” ayuu yiri Wasiirka Difaaca.

—DHAMMAAD—

20150307_110634 20150307_110832 20150307_112038 20150307_112423 20150307_112630 20150307_112638 20150307_113052 20150307_120307 20150307_121355 20150307_121459 20150307_122810 20150307_122842 20150307_122915 IMG_0258 IMG_0289 IMG_8692

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com