Wasiir Diini: “Dib-u-dhiska Ciidanka Qaranka uma hakanayo falalka Argagixisada”

Muqdisho (Mareeg)—Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa si adag u canbaareeyey weerarkii argagaxisanimo ee Shalay lagu qaaday  xarunta Jaamacadda Kismaayo oo fariisin u ah  Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM. Weerarkaasi fulaynimada ah oo ay ku dhinteen askar ka tirsan Ciidanka Qaranka , ayaa Wasiirku ku tilmaamay mid naf la caari ah oo kooxaha nabadda kasoo horjeeda ku bartilmaameed sadeen xarun ay dagan yihiin ciidamadda Dawladda.

Wasiir Diini ayaa sheegay weerarkaasi oo loo adeegsaday gaari waxyaalaha qarxa lagu soo rakibay in uu geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM.

Wasiir Diini ayaa yiri: “Weerarkan waxa uu ka mid yahay falalka naf-lacaariga ah ee kooxaha nabad-diidka ah  ku bartilmaameed-sanayaan xarumaha dawladda iyo goobaha shacabka ee dalkeena Soomaaliya, falkan fulanimada ah waxa uu keli ah muujinayaa taag-darida kooxaha nabad-diidka ah ee hortaagan horumarka ummada Soomaaliyeed, waxaan u sheegayaa cadowga falkan geystay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed mar walba u taagan yahay difaaca dalkooda hooyo, dhismaha ciidankuna u hakan doonin falalka guracan ee Al-shabaab”.

“Waxaan tacsi u dirayaa  qoysaskii iyo ehelladii dadkii dhintay, waxaana leeyahay allaha u naxariisto inta  dhaawaca ahna waxaan u rajaynayaa inay ka soo kabtaan dhaawacan, waxana Dawladdu xil iska saaraysaa daryeel-kooda, sidoo waxaan kale tacsi u dirayaa ciidamadda  AMISOM ee wax yeeladu gaartay gaar ahaan ciidanka Kenya oo uga tacsiyeynayo ehelladooda meel kasta oo ay joogaan waana ku mahadsan yihiin sida ay dhiigooda noogu hureen”.

Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa xusay in weerarkan marna ka weecin doonin  dadaalka loogu jiro dib u dhiska ciidamadda qaranka Soomaaliyeed iyo in xasilooni dib loogu  soo celiyo dhammaan dalka Soomaaliya si ummaddeenuna nabad iyo cizi ugu noolaato.

Wasiir Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ugu danbeyn, dadka dagan  Kismaayo wuxuu ugu baaqay  in si mideysan ay  uga soo horjeestaan ururada nabadda iyo xasiloonida diidan.

DHAMAAD

Sharing is caring!

Next page