Wasiir Diini oo dalacsiiyey askar tababar loo soo xiray

Mareeg.com: Askar ka tursan kuwa milateriga Soomaaliya ayaa maanta tababar socday muda sanad iyo sideed bilood ah loogu soo xiray xerada Jaziira ee magaalada Muqdisho.

Xiritaanka Tababarkaasi ayaa waxa ka qeyb galay  Wasiirka Wasaarada Gaashandhiga ee xukuumada Federaalka Soomaaliya, Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, Taliyaha Ciidanka xooga dalka Soomaaliyed S/guuto Daahir Aadan Cilimi “Indhaqarshe” iyo saraakiil kale.

Madaxa Hogaanka Ciidanka xooga dalka Soomaaliyed Janaraal Cabdullahi Maxamed Ceynte oo goobta ka hadlay ayaa Wasiirka Wasaarada Gashaandhiga iyo Taliyaha Ciidanka xooga dalka ugu warbixiyay mudadii uu tababarka socday iyo hogaanka loo tababaray.

Taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyed  sareeyo guuto Daahir Aadan Cilmi “Indhaqarshe” ayaa askarta tababarka loo soo xiray  kula taliyey iney mas’uuliyad gaar ah iska saaraan badbaadinta dalka iyo shacabka Soomaaliyed.

Wasiirka Wasaarada Gaashandhiga ee xukuumada Federaalka Soomaaliya, Cabduqaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay in ciidanka xooga dalka Soomaaliyed ay kaalin muuqato ka qaateen horumarka amni ee maanta ka jira  dalka.

Gebagebadii xafladda ayaa wasiirka Wasaarada Gaashandhiga ee xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyed waxaa ay daraja xidigle u xireen qaar kamid ah ciidanka tababarka qaatay ee ladalac siiyay.

Wasiir Diini ayaa ku booriyay  askarta maanta la dalac siiyay in naftooda ay u huraan dalkooda iyo dadkooda.

IMG_0908

IMG_1025IMG_1069IMG_1105IMG_1137IMG_1142IMG_1152IMG_1202

Mareeg Media

Sharing is caring!

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com