Wararkii Ugu Dambeeyay Magacaabista Golaha Wasiirada iyo Culeesyo badan oo heesta R/Wasaaraha

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa caqabado kala duwan kala kulmaya magacaabista golaha Wasiirada, waxaana soo baxaya warar sheegaya in ay jiraan khilaaf ka dhashay magacaabista Golaha Wasiirada.

Sida aan Wararka ku heleyno Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa faragalin dhinacyo kala duwan ka imaaneysa kala kulmaya magcaabista golaha Wasiirada, waxaana marar badan dib u dhac ku yimid magacaabista golaha Wasiirada.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa lagu waramayaa in ay qeyb ka yihiin caqabadaha magacaabista Wasiirada ka heesta R/Wasaaraha, waxa ayna labadan masuul doonayaan in golaha lagu daro xubbo iyaga aad ugu dhaw dhaw.

Arimaha culeeska ka jiro la iskuna fahmi la’yahay waxaa kamid ah tirada ay noqoneyso golaha Wasiirada cusub, waxaana la isku hayaa in Wasiirada ay noqdaan 25-wasiir sida xukuumadihii hore oo kale iyo in laga dhigo 30-Wasiir .

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo markii hore qorshaha ugu jiray in xubnaha golaha Wasiirada isagu soo xusho ayaa hada la kulmaya culees, waxaana lagu qasbayaa shaqsiyaad uusan rabi balse ay wataan Madaxda isaga ka sareysa iyo qaar kamid ah Madaxda maamul goboleedyada.

Caqabadaha heesta R/Wasaaraha waxaa sidoo kale qeyb ka ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isagu saameyn ku leh Baarlamaanka, waxa uuna Shariif doonayaa in isaga lagala tashto xubnaha Xukuumada uga midka noqonaya beelaha Digil iyo Mirifle.

Waxaa socda dadaalo lagu doonayo in lagu xaliyo caqabadaha Ra’isul Wasaaraha ka heesta in uu soo dhiso Xukuumad tay leh ay wada shaqeyn karaan, waxaana marar badan kulamo hoose wada qaatay Madaxweynaha ,R/Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka inkastoo aysan natiijo kasoo bixin kulamadaasi.

Waqtiga uu heesto Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya in uu kusoo dhiso golaha Wasiirada waxaa ka harsan kaliya 12-maalmood, waxaana la filayaa in isbuucan soo magacaabo Golaha Wasiirada si uu fursad ugu helo in Xukuumadiisa ka gado Baarlamaanka Soomaaliya

Sharing is caring!

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com