War Deg Deg:Mukhtar roobow oo dowlada isku dhiibay

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool Shiikh Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo horey uga tirsanaa hogaanka sare ee Al-Shabaab ayaa isku dhiibay dowlada Somalia.

Waxaa warbaahinta u xaqiijiyey warkan Afhayeenka Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf Abuukar oo intaa ku daray degmada Xudur la geeyey wadaadka.

Afhayeenka ayaa sheegay in Abu Mansuur aysan la socon ciidamadiii uu hogaaminayey ee beryahan dagaalka iska caabinta ah kala horjeeday xoogaga Al-shabaab.

Wasiirka Gaashaandhiga Somalia iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur galbeed ayaa haatan ku sii jeeda degmada Xudur si ay halkaas uga soo wadaan Abuu Mansuur oo saaka la geeyey degmadaas.

Wadahadalo shalay dhexmaray masuuliyiin ka tirsan Maamulka koonfur galbeed oo gaaray degaanka Abal iyo Mukhtaar Roobow ayaa la sheegay in ugu dambeyn uu wadaadkan ku ogolaaday inuu isku dhiibo dowlada Somalia.

Dagaalo culus ayaa maalmihii la soo dhaafay ku dhexmarayey degaanka Abal xoogag uu horkacayo Abu Mansuur oo halkaas degenaa iyo dagaalyahano taabacsan Al-shabaab oo weerar ku soo qaaday.

Weerarka Al-shabaab ay ku qaaday Abu Mansuur ayaa yimid ka dib markii dhowaan dowlada Maraykanku ay sheegtay iney liiska argagxisada ka saartay Wadaadkan.

Roobow oo mar ahaan jiray Ku-xigeenka hogaamiyaha Al-Shabaab iyo afhayeenka Xarakada ayaa isagoo aan ku dhawaaqin gooni uga baxay kooxdaas ka dib khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab Axmed Godane oo sanado ka hor Maraykanku ay ku dileen duqeyn ka dhacday gobolka Sh/hoose.

Sharing is caring!

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com