War Deg Deg Ah: Wariyaasha oo looga yeeray Madaxtooyada iyo Golaha Wasiirada oo

xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in xiligan ay socoto qaban qaabada magacaabista golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Wariyaasha ayaa goordhaew looga yeeray Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya in ay yimaadaan si ay goob joog uga noqdaan magacaabista golaha Wasiirada oo la filayo in R/Wasaaraha uu ku dhawaaqo saacadaha soo aadan.

Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya ayaa soo gabo gabeeyay wadatashiyadii ku aadaneed magacaabista golaha Wasiirada, waxaana inta badan la xaliyay culeesyo ka jiray magacaabista golaha Wasiirada.

Wali si rasmi ah looma oga tirada ay noqon doonaan Wasiirada la filayo in la magacaabo, waxaa sidoo kale si rasmi ah aan loo ogeyn shaqsiyaadka kasoo dhax muuqan doono Xukuumada cusub ee Soomaaliya.

Sharing is caring!

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com