Nigeria: Waa kuma madaxweyne Muhammadu Buhari?




Sharing is caring!

Muhammadu Buhari oo ka tirsanaa xisbiga APC ee dalka Nigeria ayaa shalay loo doortay madaxweynaha dalkaas, wuxuuna ka guuleystay madaxweynihii xilka hayey Goodluck Jonathan oo kazoo jeeday, koonfurta dalka, islamarkaana ahaa Kiristaan.

Muhamudu Buhari wuxuu helay sida Reuters sheegtay 15.4 Milayn oo ah codadkii dadku dhiibteen, halka Goodluck Jonathan uu helay 13.3 Milyan cod.

Taageerayaashiisa ayaa isugu soo baxay magaalooyinka dalkaas, iyagoo ku faraxsan guusha uu ka gaaray doorashadii madaxtinimada dalkaas, kadib markii uu ka adkaatay Madaxweynaha talada hayay tan iyo sanadkii 2010, Goodluck Jonathan.

doorasho-nigeria-3

Muhammadu Buhari waa Jeneraal Muslim ah oo ka tirsanaan jiray milateriga Nigeria, wuxuu dhashay sanadkii 1942-kii.

Wuxuu kazoo jeedaa woqooyiga dalka Nigeria, wuxuuna dhashay qabiilka Hausa oo ka mid ah bulshooyinka ugu badan dalka Nigeria.

Hausa waxaa la sheegaa iney yihiin afar meelood meel dadka ku nool Nigeria, boqolkiiba sideetan iyo sagaal ayaana ah Muslimiin, sida lagu sheegay qiyaaqso hore.

Muhammadu Buhari wuxuu xilka madaxweynaha Nigeria u tartamay 3 jeer oo hore oo laga guuleystay, hase ahaatee sanadkaan 2015 ayaa qoraalku ugu dhacay.

Sanadkii 1984 ayuu Jen. Muhammadu Buhari afgembi milateri ku qabsaday dalka Nigeria, isagoo xukunka ka tuuray madaxwyenihii rayidka ahaa ee xilligaas, Shehu Shagari.

Kalkiisa waxaa afgembi kale xilka looga tuuray labo sano kadin sanadkii 1985-kii, iyadoo uu inqilaabay taliyihii ciidamada, Ibrahim Babangida.

Buhari ayaa sumcad wanaagsan ku dhex leh dadka indheer garadka ah iyo saraakiisha ciidamada dalka.

Muhammadu Buhari oo muddo dheer ka tirsanaan milateriga Nigeria, wuxuu xilligii ololaha doorashada wacad ku maray inuu bilo kooban kusoo afjari doono kooxda Islaamiga ee Boko Haram oo ka dagaalanta Woqooyiga  dalkaas oo ah halka uu kazoo jeedo.

Boko Haram ayaa bishii July ee sanadkii hore isku daydyay iney khaarijiso Muhammadu Buhari xilli uu marayey gobolka Kaduna, isagoo ay la socdeen kolonyo fara badan, balse wuu ka badbaaday.

Abdullahi Hassan

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com