Ururka Al Shabaab Oo War Naxdin Leh Kasoo Baxay

Guddoomiyaha Ururka Al Shabaab ugu magacaabay Gobolada Baay iyo Bakool ayaa waxuu sheegay in ay Dagaal xoogan la gali doonaan dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxuu sheegay in ay qaadi doonaan Weerar ka dhan ah xarumaha dowlada iyo kuwa AMISOM ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Xoogaga Ururka Al Shabaab  ayaa ka soo horjeestay hadalkii Madaxweynaha Soomaaliya ee ku aadanaa in Ciidamada AMISOM ay sii joogi doonaan Dalka Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa xusay in mushruuc aan dhamaan uu yahay in la sameeyo dib u dhiska Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Dhawaan ayeey aheyd markii Ururka Al Shabaab ay ku dhawaaqeen in ay bilaabayaan Dagaal ka dhan ah dowladda cusub ee uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sharing is caring!

Next page

About waashiton 1140 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia