Ururka Al Shabaab Oo Sii Daayay Shaqaale U Afduubnaa

Sharing is caring!

Ururka Al Shabaab ayaa maanta sii dayay ugu yaraan 9 qof oo dhamaantod Soomaali ahaa oo la shaqeynayay hey’ad dhinaca samafalka ah oo fadhigeedu yahay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Shaqaalaha la afduubtay ayaa ka tirsanaa hey’adda Career oo ah mid aan dowli ahayn oo ka shaqeysa Arrimaha bini’aadanimada.

Saraakiil ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa warbaahinta u sheegay in Ururka Al Shabab oo shaqaalahan ka afduubtay Magaalada Baydhabo 9 cisho ka hor ay imminka sii daayen kadib markii ay ka qaaten 4150 dollar qofkiiba.

Warar kale ayaa sheegaya in shaqaalaha la afduubtay ay ahayen toddobo ruux oo ay ku jiren afar ruux oo dumar ahaa.

Next page

About waashiton 783 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia