Ururka Al Shabaab Oo Maanta Afar Nin Ku Toogtay Magaalada Bu’aalle

Wararka aan ka heleyno Magaalada Bu’aalle ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxa ay sheegayan in maanta halkaasi Dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab ay xukun dil ah ku fuliyeen Afar Nin oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen Jawaasiis u shaqeynayay sirdoonka Itoobiya islamarkaana kamid ahaa Ciidamada dowlada Soomaaliya.

Goob fagaaro ah oo ku taalla Magaalada Bu’aalle ayay Al Shabaab isugu keeneen dad badan oo Shacab iyo Afarta Nin oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen Jawaasiis u shaqeynayay sirdoonka Itoobiya islamarkaana kamid ahaa Ciidamada Dowladda, iyadoona isla goobta lagu toogtay Afartii Nin.

Eedeysanayaasha maanta lagu toogtay Magaalada Bu’aalle ayaa waxaa lagu kala magacaabaa.

 

Cabdi Rizaaq Xaashi Cabbaas.

Cumar Cadar Cumar.

Muxamed Abaa Mayow.

Mustaf Mucalim Xasan.

 

Sharing is caring!

Next page

About waashiton 1520 Articles

Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia