Ururka Al Shabaab Oo Gacanta Ku Dhigay Diyaarad Kusoo Dhacday Deegaanka Bariire

Waxaa shalay gelinkii dambe Gobolka Shabeellaha Hoose kusoo dhacday Diyaarad nuuca wax basaasa ah oo aan la ogeen halka laga leeyahay Diyaarada.

Diyaarada ayaa la sheegay in ay kusoo dhacday Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaana Diyaarada gacanta ku dhigay Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab.

War Ururka Al Shabaab ay kusoo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayay ku sheegteen inay gacanta ku hayaan Diyraada kusoo dhacday Deegaanka Bariire oo u dhow Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Diyaarad nuucan oo kale ah ay kusoo dhacdo Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sharing is caring!

About waashiton 588 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia