Ururka Al Shabaab Oo Dagaal Xoogan Ku Qaaday Afhayeenkii Hore Ee Al Shabaab Abuu Mansuur

Wararka ka imaanaya Gobolka Bakool ee Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa ku waramaya in dagaalyahano taabacsan Ururka Al Shabaab in ay gaareen tuuladda Yaabal oo u dhow deegaanka Abal  oo uu ku sugan yahay Shiikh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) Afhayeenkii hore ee Al Shabaab.

Waxaa la xaqiijiyay in Al Shabaab iyo Ciidamada daacadda u ah Muqtaar Roobow in ay dagaalameen saacado kooban, islamarkaana aan la ogeyn Khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Shiikh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) Afhayeenkii hore ee Al Shabaab iyo ciidamo isaga daacad u ah ayaa ku sugan deegaanka Abal oo ka tirsan Gobolka Bakool,waxaana dhowr jeer oo hore meelo ku dhow deegaankaas gaaray Al Shabaab, oo la sheegay xitaa in ay ka dalbadeen in uu wada-hadal la furo.

Tan iyo markii dowladda Mareykanka ay shaacisay in ka qaaday xayiraadii lacageed ee saarneyd Abuu Mansuur waxaa kordhay cadaadiska uu kala kulmayo Al Shabaab.

Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ee Gobolada Baay iyo Bakool ayaa horay u xaqiijiyay in Al Shabaab ay doonayaan inay weeraraan Shiikh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) Afhayeenkii hore ee Al Shabaab.

Abuu Mansuur oo sanadkii 2013 ka tagay Ururka Al Shabaab ayaa ku sugnaa deegaanada uu ka soo jeeda ee Bay iyo Bakool, halkaasoo uu ku dhuumaaleysan jiray kuna haystay Ciidamo fara badan oo ay isku hayb yihiin. 

Sharing is caring!

About waashiton 1043 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia