Taariikhda Mareeg iyo ceeldheer

Degmada Ceeldheer waxay ka mid tahay Dagmooyinka ugu qadiimisan Gobalka Galgaduud waxayna dhacdaa dhinaca waqooyi bari ee gobalka.
Waxaa ceeldheer daga Qabiilka abgaal gaar ahaan waceysle.
Waxay 18 Km u jirtaa xeebta Mareeg ee Badweynta Hindiya.
Degmadan ayaa markii ugu horaysay la soo degay sanadkii1937-dii kadib markii dadkii deganaa Mareeg oo aheyd magaalo taariikhi ah ay ka soo guureen dagaalkii labaad ee aduunka kadib kolkaas oo Talyaaniga iyo Ingiriiska uu dagaal dhinaca badda ah ku dhexmaray Mareeg.
Madaxdii gumaystihii Talyaaniga ayaa ku booriyay in dadkii ku noolaa Mareeg ay ka guuraan kuwaas oo marka laga reebo Talyaaniga isugu jiray Hindi, Carab iyo beelo kale oo soomaaliyeed, Hindidii iyo Carabtii ayaa u hayaameen magaaloyinka Cadale, Xamar iyo Baraawe halka reer Mareegii asalka ahaana ay u soo baqooleen dhinaca deegaanka Ceeldheer oo xiligaas ahaa meel ay ku yaaleen ceelal oo kaliya, Sida ay sheegayaan dadka yaqaan taariikhda degmada Ceel-Dheer.
Magaalada Mareeg oo ahayd saldhigii sadexaad ee maamulkii Talyaaniga dalka Soomaaliya ku lahaa ayaa ahayd magaalo leh daaro qadiimi ah cimrigoodana lagu qiyaasay ilaa afar boqol oo sanadood & kuwo talyaanigu dhisay kuwaas oo intooda baday weli ka taagan halkaas,waloow qaarkood aad u gaboobeen hadana waxaa weli bed qaba, Misaajidkii Sh Da’ud Culusoow, Saldhigii Police ka, Xabsigi, Musawac,Xafiisyo, iyo guryo fara badan, Magaaladan oo ah mid ku dheresan xeebta mareeg ayaa weli waxaa ku dhaqan dad u badan kaluumaysato & xoolodhaqato….
Markaan u soo laabano habkii looga soo guuray Mareeg Xaaji Maxamed Afrax Fareeyayaa ahaa ninkii ugu horeeyay ee dhisme ka kooban guri & dukaan ka taago Degmada Ceeldheer, dad badan ayaa isla markiiba qaatay fikradii Xaajiga taas oo suurto galisay in ay Ceeldheer noqotay xarun ganacsi oo ay u soo dukaameysi tagaan tuulooyinka ku dhow dhow & dadka reer miyiga ah, waxaana dhamaan u soo wada guuray dadkii reer Mareeg oo nolol ka bilaabay halkaas, Sanadkii 1954 waxaa la sameeyay doorashadii golaha odayasha waxana ka mid ahaa.
Geedi Shadoor Warsame.
Cadaawe cali Geedow.
Afrax Fareey Cabdi.
Maxamed Afrax Garuun.
Siyaad Daameey Cali .
Cali Weheliye Daba yare.
Aw Hiloowlw Cali Gaban.
Cosoble Xarar Saar.
Ragaas waa maamulkii jiray xilgii Mareeg waxaana lagu kordhiyay ragaan.
Cumar Casir Kabootooy.
Macalin Cabdule Xaayoow.
Maxamuud Cilmi Dacay.
Xasan Afrax Fareey.
Sh Xasan Maxamed Afrax (Tima Dheere)
Sh Ibraahin Qaboobe (Madoobe)
Xaaji Iimaan Gadow.
Waxaa kale oo ka mid ahaa hogaamiyeyaashii dhaqanka ee soo maray ka mid ah.
1- Shadoor Warsame Cali
2- Daameey Cali Xume
3 -Cosoble Xararside
4- Ow Hilowle Cali
5- Maxamed Maalin
6- Aadan Cilmi Xirsi ( Aadan Good).
7- Ciise Daba Dheere
8- Maalin Raage
Jiilkii xigay ee dhinaca Dhaqanka
1- Geedi shadoor
2- Afrax fareey
3- Maxed afrax garuun
4- Cali wehliye daba yare
5- C/lle hilowle
6- Doodshe aadan good
7- Xaaji iimaan gadow
Jiilkii sadaxaad lixdankii ee hayay taladii dhaqanka waxaa ka mid ahaa.
1- Geedi shadoor warsame. waxaa taariikh aan la illowi kareen kulahaa dagmada ceel_dheer geedi shadoor warsame cali alle janadiisa hasiiyee
2- Shiikh daa’uud culusow
3- Xaaji iimaan
4- Maxamuud cilmi dacay
5- C/lle xaayow
6- Cumar casir ka bootooy
7- Shiikh xasan maxed afrax
8- Shiikh ibraahim madoobe
9- Maxed afrax fareey
10- Xasan afrax fareey
Culumaa’udiinka soo maray ama caanka ka ah degmada ceel-dheer waxaa ka mid ah.
1 – Shiikh Daa’uud culusow (Lana dagaalay gumeystaha Talyaaniga)
2 – Shiikh Ibraahim Yare
3 – Shiikh Axmed Caraay
4- Sh.Clahi Sh.da,ud
5 – Shiikh Ismaan Shiikh Cumar (Xiddig)
6 – Shiikh Siciid Shiikh Ibraahim
7 – Shiikh Caamir Shiikh Ibraahim Yare
8 – Macalin C/lahi Maxamed Joqof
9 – Macalin Nuur Maxamed Siyaad

11- Shiikh cusman maxamad xalane
Sanadkii 1954 Waxaa booqday Ceel-dheer wefdi uu hogaaminayo Muuse Boqor oo markaas ahaa wasiirkii arimaha gudaha Dowladdii ugu horeysey ee Soomaaliyeed ee Cabdulaahi Ciise madaxda ka ahaa waxaana dadkii la socday ka mid ahaa Daa’uud Cabdule Xirsi oo markaas ahaa Xidigle Military ah, Shir ay yeesheen waxgaradkii Ceel-dheer & Muuse boqor ayaa waxaa laysla meel dhigi waayay, qodabadii layku soo qaaday oo ay u horeysay in Ceel-dheer laga sameeyo maamul Degmo.
Sagootintii wefdiga Muuse Boqor ayaa waxaa garoonka diyaaradaha isugu soo baxay dadweyne fara badan oo halkaas ka muujiyay sida ay uga xun yihiin in Muuse hor istaagay qorshahoodii ay ku doonayeen Degmonimo waxaana gabayga caanka ah ee ( Qoodhiinya xeradaa maxaa qadiyay Ceeldheer) ka tiriyay halkaas abwaan Jimcaale Dhega-taagwaxaana ka mid ahaa erayadaas calaacalka ahaa:
Nimanaa qasnado buuxsadoo qalad wax loo siiyay.
Nimanaa qaboowsada hilbaha qadadda maalmeede.
Anagana waxaan soo qornaba waa la qariyaaye.
Nalamana qal qaalshoo qar baa nalaga xooraaye.
Qoodhiin ya xeradiin maxaa qadiyay Ceel-dheer.
Mase qolo qolayntii horaad qiran tihiin waaga Oo
axdigaan wada qaadanaa nala qiyaamaayay.
1961dii waxaa sii xoogeystay dadaalkii lagu doonayo in Ceel-Dheer laga dhigo Degmo, waxaana dadaalkaasi waday Cali Geedi Shadoor & wax garad kale, dadaalkaasi oo markii dambe lagu guuleystay ayaa waxyaabihii suurto galiyay waxa ka mid ahaa iyada oo dadka ku dhaqan halkaas ay tiro ahaan u qalmayeen in ay helaan maamul degmo iyo weliba mashaariic ay ka mid ahaayeen Saldhig Police, Guriga Gudoomiyaha, Xabsiga, Cisbitaalka iyo xarumo kale oo uu maalgeliyay Cali Geedi Shadoor maadaama dowladii Soomaaliyeed ee xiligaas ayan lahayn dhaqaale buuran,
1962-dii waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay degmanimada Degmada Ceeldheertaas oo in mudo ah ay wadeen waxgaradka degmada oo ay hogaaminayeen Allaha u raxmadeeXaaji Cali Geedi Shadoor & rag kale,
Waxaa hoos tago Degmada Ceel-Dheer tuulooy & degaano ay ka mid yihiin Nooleeye (Cowsweyne),
Masago Waay oo hada loo yaqaan (Masago Weyn),
Galcad (Ceel Maxaa Baare)
Bud-bud,
Caga-Cade,-

Tuulo sahal ama tixle
Cali yabaal & Tuulooyin kale.
Madaxdii Soomaaliyeed ee booqashada ku tagtay Degmada Ceel-Dheer waxaa kale oo ka mid ahaa Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, oo xiligaa isna Ra’iisul Wasaare ahaa, Sidoo kalane waxaa labo jeer booqasho ku tagay Madaweynihii Hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre ee mudada 21ksano ka talinayay dalka Soomaaliya, SIYAASADDA. sanadka 1954 dii ka hor waxaa dalka Soomaaliya ka jiray maamulkii Talyaaniga ahaa ee A.F.I.S ( Adminstrizione Fuduciario Italiano Della Somalo) Maamulkaas ajnabiga ah waxaa la shaqayn jiray mid Soomaaliyeed oo loo yaqiin (Consiglio Teretoriale) degmo kastona waxay ku lahaan jirtay wakiil waxaana Ceeldheer wakiil uga ahaa Cismaan Maxamed Afrax. Xilgaas oo siyaasiyiinta Soomaalyeed u kala qabsanaayeen labo xisbi oo waaweyn kuwaas oo kala ahaa Lego oo doonaysay in dalku helo madaxbanaani & Pro Italian oo u ololeyn jirtay in uu sii jiro maamulka Talyaaniga ahaa ayaa waxaa xusid mudan in dhamaan siyaasiyiinta Ceeldheer ay ahaayeen Lego.
1959 kii waxaa dalka Soomaaliya ka dhacday doorashadii ugu horaysay baarlamaan Soomaaliyeed & kan dowlada hoose marka laga reebo maamulkii magaalada Muqdisho kaas oo la doortay1930 kii, waxaana xiligaas Ceeldheer laga soo doortay Mudane Cismaan Xaaji Maxamed Afrax & Mudane Cali Geedi Shadoor oo labaduba ahaa SYL.
1964 kii waxaa Degmada laga soo doortay Mudane Xaaji Cali Geedi Shadoor SYL, & Mudane Cabdulaahi Gacal Sabriye SNC.
Municipiyadana Mudane Sheekh Yuusuf Guuleed Xasan SYL.
1967dii waxaa Deg.laga soo doortay Mudane Xaaji Cali Geedi Shadoor SYL.
Mudane Isaaq Iidoow Raage SAANU.
Minicipiyadana Mudane Sh Yuusuf Guuleed,
intaa ka dib Degmada Ceel-Dheer waxa ay soo martay marxalado kala duwan oo la jaanqaadayay isbadaladii maamul ee dalka soo maray. Maamuladii soo maray Ceeldheer xiligii kacaanka ka hor waxaa ka mid ahaa Sayd Cumar Xaaji Gudoomiyihii ugu horeeyay, MudaneXaaji Yuusuf Guuleed Xasan oo ku soo baxay doorashadii golahii deegaanka (Consiglio Municipale) & Mudane Cali Aybakar Shadoor, Sidoo kale waxaa soo maray madaxa kala duwan oo xilka gudoomiyanimada degmadaasi soo qabtay waxaana ka mid ahaa.
1- C/raxmaan Alfas (Dir)
2- Maxed Abuukar (Shiikhaal)
3- Cali Cumar (Isaaq)
4- Saciid Maxed Ibraahim (Majeerteen)
5- Shariif Cismaan ( Asharaaf)
6- Cumar Aweys ( Majeerteen)
7- Saciid Jaamac Xuseen ( Isaaq)
8- C/lahi Maxed Af-gab ( Majeerteen)
9- Max’ed Aadan Meyle ( Ogaden)
10- Maxed C/lahi ( Gudubiirse)
11- Jaamac Darbaal ( Majeerteen)
12- Xuseen Cabdi ( Mareexaan)
13- Khaliif Cabdule Fiidoow ( Xawaadle)
14- Saciid Maqoote (Gibilcad)
15- Max’ed Muuse ( Siwaaqroon)
16- Xaaji Deg-deg ( Carab Maxamuud Saalax)
17- Maxed Faarax (Ogaden)
18- Xuseen Max’ed Cosoble (Abgaal)
HALYEEYADA SOOMALIYEED EE KA SOO JEEDA CEEL-DHEER. Degmada ceel dheer waxaa sidoo kale ku dhashay kuna soo barbaaray siyaasiyiin caan Ah saraakiil iyo halgamayaal qeyb ka qaatay xornimada maanta aan harsaneyno. sadex ka mid ah 13 KII aas-aase ee xisbigii leegada SYL ayaa waxa ay ahaayeen kuwo u dhashay degmada ceel dheer waxaan ka mid ahaa.
• Max,ed Faarax Hilowle (Farnaajo)
• Cismaan Geedi Raage
• Max,ed Cali Nuur
Halka tobanka soo hartayna ay u dhasheen shanta Soomaali taas oo ka dhigaysa in halgamayaashi xoriyada aanu maanta harsanayno sadax meelood meel ku dhawaad ay ka soo jeedeen Degmada Ceeldheer, taas oo keentay in sanadihii kontonaadkii iyo lixdamaadkii ay badan u yaqiineen Deg.Ceeldheer hooyadii Xoriyada Soomaaliyeed. Dadkii aad loo yaqiin waxaa kale oo ka mid ahaa ragga kala ah. *
• Gen. Daa’uud Cabdule Xirsi
• Gen. Salaad Gabeyre Kediye
• Gen. Hussein Kulmiye Afrah
• Gen. Cabdule Barre Qalaaye
• Gen. Abuukar Xasan Wehliye (Suulaleey)
• Gen. cali cadaawe cali
• Gen. Isaaq Iidow Raage
• Gen. Cusmaan Cumar Wehliye (Gas-gas)
• Rear Admiral Xuseen Axmed Cadow (Ciidangale)
• Major Gen. Cabdi Maxamed Fiidoow (John Fiidow)
• G.X. S.l.p Xaji Maxamuud Maxamed Afrax(Baraako)
• Avv. Ismaciil Jimcaale Cosoble
• Deputato (MP) Cali Geedi Shadoor
• Deputato (MP) Sayid Cumar Maxamed Xaaji
• Deputato (MP) Axmed Maxamed Afrex (Shuqul)
• Deputato (MP) Cusman Maxamed Afrax
• Dir.Gen Xuseen Maalin Jimcaale
• Dir. Gen. Of Information, Xuseen Xaaji Max,ed (Bood)
• Sindiko C/laahi Gacal Sabriye
• Deputato (mp) C/laahi Geedi Shadoor
• Deputato (mp) Ibrahim Sh.Cali Jeebe
• Dir.Gen Prof. C/laahi Maxamed Afrax
• Dir. Gen. Of Somali Airlines, Maxamuud Maxamed Guuleed
• Dir. Gen. Of Somali Shipping Agency. Axmed Xaaji Gacal
• Inj. Cabdulqaadir Maxmed Cabdule Madexeey
• Dir.Gen. Sayid Cali Cabdule Barre
• Dir.Gen.Xirsi Cabdule Xirsi
• Dir.Gen. Cabdi Cali Faroole
• Dir.Gen Cabdulqaadir Yalaxoow Hiraabe
• Dir.Gen Maxamed Yalaxoow Maalin
• Deputato (MP) Ismanciil Macalin Muuse
• Imaam Siyaad Cali Siyaad
• Gen Salaad Gabayre Kadiye.
• Madaxweyne Aaden Cabdule Cismaan.
Marxalada haatan ay ku sugan tahay degmada Ceel dheer:.
Gabi ahaan Degmada Ceel-Dheer kama jiro maamul guud oo hoostaga dowlad dhexe waxaase ka jira maamul madax banaan oo deegaanku samaystay kuwaas oo suurto galiyo adkeynta nabadgalyada deegaanka iyo xalinta mishaakilaadka. Dagaal diimeedki dillaacay markuu Sh. Shariif qabtay madaxtinnimada ayaa waxaa yimid dagaaal dhib iyo dhimasho badan keenay. Tan & burburkii dowladii hore wixii ka dambeeyey Degmada Ceel-Dheer waxa ay ku talaabsatay horumar dhinacyo badan leh oo isugu jira
caafimaadka,
waxbarashada,
isgaarsiinta & adeegyada kale ee bulshada lagama maarmaanka u ah,
degmada waxa ay leedahay Cisbitaal qalabeysan oo qabta adeegyo caafimaad intii loo baahdo, waxaana waqtigi burburka ilaa iyo hadda cisbitaalka gacanta ku heyn jiray oo dhinaca daawada iyo taakuleynta shaqaalaha ka caawiyo hay’ada CISP, maamulka waxaa gacanta ku haya gudiga caafimaadka degmada , dhinaca waxbarashada degmada iyo tuulooyinka hoos tago waxaa ka jira 8 dugsi Hoose/Dhexe, kuwaasoo laba ka mid ah ku yaaliin degmada gudaheeda , dugsigii hore ee degmada waxaa ka howl galo lix iyo toban macalin oo uu mushaaradooda bixiyo ganacsade C/risaq Isaaq Iidow, dugsiga kalana waxaa uu hoos tagaa hay’ada al islaax. Dhinaca isgaarsiinta Ceel dheer waxaa markii ugu horeeyey laga hirgaliyey degmada horaantii 2004tii mashruuc isgaarsiineed kaas oo ay maalgelisay shirkada isgaarsiinta Nationlink waxayna taasi suurto galisay in dadku helaan adeeg tellefoon iyo internet,. Dadka ku dhaqan Degmada Ceel-Dheer tiro ahaan waxaa lagu qiyaasaa 8,000 kun oo qoys oo ku nool dhamaan deegaanada hoostaga Degmada Ceel-Dheer, dhaqaalahoodana waxa uu ku tiirsan yahay xoolaha nool, kaluumeysiga, beeraha oo inta badan ku xiran waraabka roobka iyo ganacsiga caadiga ah, Waxa ay Degmadu xarun u tahay barashada culuumta Islaamka waxana wax ku barta arday (Xer) ka kala yimaado gobalada dalka soomaaliya qaar ka mid ah waxaana gacanta ku hayo
1. Shiikh Cismaan Shiikh Cumar Shiikh Daa’uud &
2. Sheekh Caamir Sheekh Siciid Seekh Ibraahin Yare
oo labaduba hayo goobo wax barasho oo la furay bartamihii qarnigii 18aad.
Degmada waxaa ku yaal garoon caalami ah oo ay maalgalisay hay’ada Talyaaniga ah eeCISP iyo madaxa shirkada Alba Inj Cali Xuseen Maalin waxaana si joogta ah u isticmaalo diyaarado u badan kuwa hay’adaha gar gaarka oo todobaadkii sadex jeer agab isugu jira daawo & qalab caafimaad soo gaarsiiya labada cisbitaal ee degmooyinka Xarar dheere & Ceeldheer

Qore: Omar Abdisalam Mohamed

go to top

Sharing is caring!