Soomaaliya oo guulo kasoo hoysay tartanka cayaaraha Futsalka ee Ciidanka Booliska Aduunka (Sawirro)




Waxaa Magaalada Lommel ee dalka Beljium ka furmay Tartanka Cayaaraha Futsalka ee Ciidanka Booliska Aduunka (World Police Futsal Tournament 2014) kaasi oo sanadkii 20-aad la qabanayo, waxaana sanadkaan markii ugu horeysay ka qeyb galaya Koox ku cayaareysa Magaca Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo uu Hogaaminayo Yuusuf Maxamed Cabdi (Yuusuf Yuusuf) iyadoona cayaaryahanada kooxdaan mataleysa Soomaaliya oo ah U-30 laga soo xulay dalalka Britian iyo Netherlands.

Tartankaan ayaa waxaa ka qeyb galaya 69-wadan oo ka tirsan caalamka, iyadoona furitaanka Cayaarahaan ay kasoo qeyb galeen Diplomaasiyiin ka socday qaar ka mid ah dalalka gaaraya 69-dal, waxaana Soomaaliya ugu qeyb galay Danjiraha Wadamada Benelux iyo Midowga Yurub, Dr. Cali Faqi, waxaana dhinaca kale Tartankaan kasoo qeyb galay Guddoomiyaha Futsalka Booliska Aduunka (World Police Futsal) Mark Roose iyo Madaxa Futsalka Afrika Abdul Mukhtar.

Ka qeyb galka kooxdaan mataleysa Booliska Soomaaliya, ayaa waxa uu ka danbeeyay fasax ay ka heysteen Allaha u naxriistee Taliyihii hore ee Ciidankada Booliska Soomaaliyeed Gen. Maxamed Sheekh Xasan, oo qudhiisa lagu waday in uu kasoo qeyb galo furitaanka Tartankaan, balse uu Taliyaha 30-October-2014 ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

“Ujeedka aan tartankaan ugu qeyb galeyno waa sidii aan u hagaajin laheyn xiriirka Booliska Caalamka iyo kan Soomaaliya, hadii ay noqoto dhanka Isboortiga iyo dhanka wada shaqeynta, waxa uu qorshahu ahaa in Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliya  AUN Gen. Maxamed Sheekh Xasan uu kasoo qeyb galo, balse taasi ma dhicin, laakiin waxaan rajeyneynaa in Xiriirka isboortiga Booliska Caalamka iyo Soomaaliya uu halkaan ka bilawdo, isla markaana Sanadaha soo socda la helo koox matasha Booliska Soomaaliya oo ka timaada gudaha dalka Soomaaliya” Ayuu yiri Hogaamiyaha Wafdiga Soomaaliya u Mataleysa  tartanka Cayaaraha Booliska Aduunka, Yuusuf Maxamed Cabdi.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in 20-sano kadib aan Tartankaan ku dhex aragno koox mataleysa dalka Soomaaliya, gaar ahaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waa mid na farxad galineysa, Soomaaliya Ciidankeeda waxa ay ahaayeen kuwo Magac iyo Sumcad ku leh Caalamka, waxaana rajeenayaa in uu dib usoo laabto Magacaasi, maantana in uu astaanta Soomaaliya ka muuqdo garoonkaan dhexdiisa waa mid sharaf weyn u ah Soomaali oo idil iyo Tartanka” Ayuu yiri Guddoomiyaha Futsalka Booliska Aduunka (World Police Futsal) Mark Roose.

Danjiraha Dowlada Federalka Soomaaliya u dhafiya dalalka Benelux iyo xarunta midowga Yurub, ayaa dhankiisa soo dhaweeyay Kooxda mataleysa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxa uuna sheegay in loo baahan yahay in mar waliba lagu dadaalo sidii Magaca Soomaaliyeed loo geyn lahaa Fagaaraha Caalamka, iyadoo dib loo soo celinayo sharafta Soomaalinimo “Soomaaliya waxa ay cagta saartay wadadii Dowlad-nimada iyo in ay la jaan qaado caalamka, isla markaana talaabadaan ay dhalinyaradan ku matalayaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxa ay qeyb ka tahay in Soomaaliya ay dib ula soo laabato sumcadii ay ku laheyd saaxada caalamka, waxaana rajo ka qabaa in sanadaha soo socda la heli doono koox ka timaada gudaha dalka Soomaaliya oo ah Ciidanka Soomaaliyeed” Ayuu yiri Mr Fiqi.

Kooxda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxa ay ku jirtaa Group-ka D. oo ay ku wehliyaan Kooxaha; Beljium, Germany, Israel, Hungary, Poland, Wales iyo Luxembourg, waxa ayna illaa iyo hada cayaareen 4-kulan oo labo ka mid ah ay guul ka gaareen, halka 2-kulan laga badiyay; waxa ayna u cayaareen sida tan:-

Somalia 2-6 Luxembourg 

Somalia 3-1 Wales (Great Britian) = Soomaaliya Guul.

Somalia 0-2 Poland

Somalia 3-1 Beljium = Soomaaliya Guul.

Kooxda Soomaaliya ayaa 26-11-2014 waxa ay la cayaari doontaa Kooxaha Ciidanka Booliska dalalka; Germany, Israel iyo Hungary, waxa ayna kooxda rajo ka qabtaa in ay Tartankaan guulo la taaban karo ay ka gaarto. Insha allaah.

Sharing is caring!

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com