Cadado: Shirka maamul sameynta G.Dhexe oo furmay

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta degmada Cadaado ka furay shirka maamulka loogu dhisayo gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Furitaanka shirka ayaa yimid dood dheer kadib oo ka taagneyd go’aan uu horay madaxweyne Xasan u sheegay oo ahaa in caasimadda maamullku noqon doonto Dhuusa Mareeb.

Maamulka Ximan iyo Xeeb oo maamuli jiray Cadaado ayaana rabay in halka noqoneysa caasimadda lagu go’aamiyo shirka.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo shirka ka hadlay ayaa ka qeybgalayaasha ugu baaqay iney soo dhisaan maamul loo wada dhan yahay.

Markii shirku furmay ayaa waxaa hoolka ka istaagay qaar ka mid ah ergada ka qeybgelaya, kuwaasoo sheegay iney jiraan beelo ka maqan shirka oo u baahan in waxa ay tabanayaan la xalliyo.

Madaxweynaha ayaa ka dalbaday odayaasha in la doono dadka shirka ka maqan, lagana shaqeeyo dib u heshiisiinta, waxaana uu xusay in maanta loo fadhiyo in la doorto hogaan wanaagsan oo samata bixiya dadka ku nool gobollada Dhexe

Shirka maamul sameynta ayaa socon doonat muddo 45 cesho ah sida la qorsheeyey, inkastoo laga yaabo in wax is badelaan.

Ergada ayaa la sheegayaa inay ka koobnaan doonaan ilaa 510 ergo oo laga soo kala xuli doono ilaa 11 qabaa’ilka dega Gobollada Dhexe.

 

Dhanka kale, waxaa maanta Cadaado ka dhacay debadbax ay dhigeen dad ka careysan go’aankii madaxweynaha ee ahaa in caasimadda maamulu noqoneyso Dhuusa Mareeb.

Dadka debadbaxayey ayaa la sheegay iney dhagaxtuur sameeyeen, taasoo keentay in ciidanka amaanku rasaas ku kala ceyriyaan.

123

Mareeg Media

Sharing is caring!

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com