Shirkada Diyaaradaha Kenya Airweys Oo Duulimaad Toos Ah Ka Bilaabeysa Magaalada Muqdisho

Sharing is caring!

Shirkada Dayuuradaha Kenya Airweys ayaa duulimaad toos ah waxa ay ka bilaabeysaa gudaha Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya sida uu xaqiijiyay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Oomaar.

Kulan ka dhacay Magaalada Nairobi oo ay wada qaateen Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Oomaar iyo dhigiisa dalka Kenya James ayaa looga dhawaaqay hadalkaan.

Diyaarada Kenya Airweys ayaa hore u joojisay dhuulimaadyadeedii tooska ahaa ee Nairobi iyo Muqdisho taasi oo ay dhibaato xoogan ku qabeen dadka isaga kala goosha labada Caasimad.

Ilaa iyo hada lama shaacin waqtiga tooska ah ee duulimaadayada Diyaarada Kenya Airweys ay bilaaban doonto.

Dowlada Madaxweyne Farmaajo ayaa horey u balan qaaday in ay dib usoo celin doonto xeriiradii Soomaaliya ay la laheyd dowladaha deriska.

 

 

 

 

Next page

About waashiton 783 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia