Sarkaal ka tirsan dowladda Hoose oo Muqdisho lagu dilay & Muungaab oo tacsiyeeyey

Mareeg.com: Eng. C/llaahi Cali Canshuur oo ka mid ahaa shaqaalaha dowlada Hoose ee Muqdisho ayaa xalay kooxo hubeysan ay ku dileen degmada Hodan, xilli uu ku sii jeeday aqalkiisa.

Kooxo Hubeysan ayaa marxuumka dilay, isagoo watay gaarigiisa, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in gaarigiisa ay qaateen kooxihii hubeysnaa.

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa tacsi u diray dhamman shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Marxuum Eng: Cabdullaahi Cali Canshuur oo kooxo hubeysay ay xalay ku dileen Muqdisho, kaasi oo ka mid ahaa shaqaalaha dowlada Hoose ee Xamar.

“Innaa Lillaahi Waa Innaa Ileyhi Raajicuun, xalay gacan ka xaqdaran ayaa dishay Eng: Canshuur, waxaana Alle uga baryeynaa in uu janadiisa ka waraabiyo” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.

Sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay gacmaha is qabsadaan kana hortagaan cadawga Ummadda Soomaaliyeed.

Muungaab ayaa tilmaamay in ciidamada amniga looga fadhiyo inay sameeyaan baaritaanno dheeraad ah oo lagu ogaanayo dadkii falkaasi ka dambeeyay, si cadaallada loo hor geeyo.

Marxuumka dhintay ayaa ka mid ahaa Muwaadininti dalka dib ugu soo laabtay, wuxuuna qabay haweenay caan ah oo u dhaq dhaqaaqa arrimaha xuquuqda dumarka oo lagu magacaabo Xaliima Yarey .

Xaliima Yarey ayaa ka mid ahayd wafdigii Madaxweynaha Soomaaliya ee xalay soo gaaray Denmark si ay uga qeyb qasho shirka New Deal ee Soomaaliya, balse wararka qaar ayaa sheegayaan in saaka waaberigii ay u dhooftay Xaliimo Magaalada Muqdisho si ay uga qeybgasho aaska ninkeeda.

Mareeg Media

 

Sharing is caring!

View All

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com