Saraakiil u kala dhashay Imaaraadka Carabta iyo Masar oo ku dhintay shil diyaaradeed

Mareeg.com: Afar sarkaal oo u kala dhashay Masar iyo Imaaraadka Carabta ayaa geeriyooday kadib markii diyaarad ay la socdeen ay ku dhacday gudaha dalka Masar.

Diyaaradda dhacday ayaa ka qeyb qaadaneysay tababar milateri oo ay isla sameynayeen saraakiil Imaarad iyo Masar u kala dhashay.

Afhayeen u hadlay milateriga Masar ayaa sheegay in loo badinayo in diyaaraddu u dhacday cilad farsamo, wuxuun sidoo kale xusay in loo saaray guddi baara sababta rasmiga ah.

Dhankeeda, wakaaladda wararka u faafisa dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa xasiijisay geerida labada sarkaal ee dalkeeda iyo labada reer Masar.

Masar iyo Imaaraadku ma xusin dalka iska leh diyaaradda dhacday, hase ahaatee waxaa soo baxay warar sheegaya in dalka Imaaraadka Carabtu leeahay.

Diyaaradaha dagaalka dowladaha Masar iyo Imaaraadka Carabta ayaa dhowr jeer weeraro cirka ah ku qaaday bartilmaameedyo ku yaalla dalka Liibiya, iyagoo beegsanaya dagaalyahanada Islaamiyiinta dalkaas.

Mareeg Media

 

Sharing is caring!

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com