Saldhiga Milatari ee dowlada Turkiga ka dhistay Muqdisho oo maanta xariga laga jarayo

Waxaa maanta lagu wadaa in si rasmi ah xariga looga jaro Saldhiga Milatari ee dowlada Turkiga ka dhistay Magaalada Muqdisho, waxaana saldhigan loogu tala galay in lagu tababaro ciidanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Taliyaha Ciidamada Milateriga Turkiga Gen. Halusi Akar ayaa lagu wadaa in maanta si wadajir ah xariga uga jaraan saldhigan Milatari ee gacanta ku heyso dowlada Turkiga.

Saldhigan Milatari ee maanta xariga laga jarayo ayaa noqonaya Saldhiga ugu weyn ee Dowlada Turkiga ka dhisato meel ka baxsan dalkeeda, waxaana dhismaha Saldhigan oo si casri ah loo dhisya ku baxday malaayiin Dollar.

Saraakiil iyo Tababarayaal u dhashay dalka Turkiga ayaa saldhigan ku tababari doono ciidanka Soomaaliya, waxaana saldhigan la filayaa in lagu tababaro soona saaro sanadaha soo aadan kumanaan katirsan Ciidanka Soomaaliya.

Sharing is caring!

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com