Rasaas Laga Dhex Maqlay Gudaha Xarunta Golaha Wakiilada Somaliland

Ciidamada amaanka maamulka Somaliland ayaa xirey Xarunta Golaha wakiilada maamulkaas, kadib markii xarunta Golaha dhexdeeda laga riday xabad, sida warbaahinta  u sheegeen qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha wakiilada.

Ninka xabada riday ayaa la sheegay inuu darawal u ahaa mid ka mida xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland.

Dhanka kale ilaa hada ma jiro wax Khasaare ah oo ka dhashay xabada dhacday, iyada oo ciidamada amaankuna ay gacanta kudhigeen ninkii xabada riday isla markaana ay sugeen amaanka xarunta Golaha wakiilada.

Golaha wakiilada waxaa ka jira khilaaf ku saabsan is maandhaaf ka dhashay doorashada Gudoomiyaha Golaha wakiilada kadib markii uu Gudoomiyihii hore ee Golaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) uu Iscasilay.

Sharing is caring!

Next page

About waashiton 998 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia