Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Shir saddex Geesood ah dib uga furay Magaalada Garoowe




Sharing is caring!

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta ka baaqday safar uu ku tagi lahaa Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar.

Dib u dhaca ku yimid Safarka Ra’iisul Wasaare CCC Sharmaarke ayaa ka dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya uu ku armay in uu mar sedexaad dib uga furi Shirka sedex-geesood ka Magaalada Garoowe.

Mudane Sharmaarke ayaa qorsheenayay in uu gaaro Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar si halkaasi uu ugula kulmo Boqorka Beesha Daarood, Boqor Burhaan iyo Golaha Isimada Maamulka Puntland kadib markii la isku fahmi waayay wadahadaladii ka socday Magaalasa Garoowe.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa isku fahmi wayaay aqoonsiga Maamulka Galmudug ee uu hogaamiyo Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Hogaamiyaha Maamul Goboleedka Puntland, Dr. Gaas ayaa sheegay in ay cabasho ka yihiin qodobo uu ku sheegay in Dowladda dhexe ay Dasuurka ka bedeshay iyo ansixintii Guddiyada Madaxa banaan ee qaabka daahsoonaa dhawaan loo meelmariyay.

Wararkii ugu dambeeyay ee mareeg heleyso ayaa sheegaya in Shirka Sedex geesood ka ahi uu haatan ka furmay Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntkand.

Next page