Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka Golaha Guud Ee Q.M

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka qayb galaya Shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay arimo kala duwan.

Xasan Cali Kheyre ayaa mar uu ka hadlaaye arimaha amaanka waxa uu sheegay in Soomaaliya ay kajiraan Kooxo argagixiso ah loona baahanyahay in laga sifeeyo.

Sidokale waxa uu tilmaamay in sidaasi daraadeed ay codsanayaan in cunaqabateeynta dhanka hubka ee saaraan dalka Soomaaliya laga qaado.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kamid ah madax dhoowr ah oo ka qeeyb galeeysa Shirka golaha guud ee Qaramada midoobay ee ka soconaya Magaalada New york ee dalka Maraykanka.

Sharing is caring!

Next page

About waashiton 1140 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia