Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Gaaray Magaalada Baydhabo

Wafdi balaaran uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa goordhow gaaray Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyadoona halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ee Shaati Gaduud kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo ugu horeyo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, Saraakiil Ciidan, Odayaal Dhaqameed, Ururada rayidka Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Baydhabo.

Ujeedada socdaalka Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ah u kuurgalka xaaladaha guud ee deegaanada Koonfur Galbeed iyo xogwareysiga bulshada ku dhaqan Magaalada Baydhabo oo kulan gaar ah uu la yeelan doono.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa lagu wadaa in uu kulamo la  qaato madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Saraakiisha iyo Ciidanka xoogga Dalka oo ku sugan deegaanadaasi.

Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa maanta si wayn loo adkeeyay, waxaana sugida amniga iska kaashanaya ciidamada AMISOM iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.

 

Sharing is caring!

Next page

About Xuseen Axmed 1577 Articles

Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia