Radio Risaala oo hawada kusoo laabtay & wariye weli ka xiran

Mareeg.com: Dowladda Soomaaliya ayaa ogolaatay iney hawada kusoo laabato Idaacadda Risaala oo 4 maalmood kadib ciidamada amaanku hawada ka saaren kadib markii ay baahisay war ku saabsan in gobolka Shabeellaha Soomaaliya lagu arkay qof looga shakiyey cudurka Ebola.

Agaasimaha Idaacada Risaala, Maxamed C/wahaab iyo Tifaftiraha Idaacada Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar ayaa laga sii daayay xabsiga Ciidamada Nabadsugida Gobolka Banaadir, halkaasoo ay muddo shan maalmood ku xirnaayeen.

Waxaa weli xabsiga ku jira wariye Maxmed Cabdi Cali, kaasoo ahaa wariyihii qaaday wareysiga ku saabsanaan qofka looga shakiyey cudurka Ebola.

Agaasimaha Radio Risaala, Maxamed C/wahaab ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada Nabadsugiddu u sheegeen in wariyaha xabsiga ku haray uu weli baaritaan ugu dhiman yahay.

Sabtidii lasoo dhaafay 03/01/2014 ayeey aheyd markii hawada laga saaray Idaacada Risaala, sidoo kale la xiray Agaasimaha Idaacada Risaala, Maxaned Cabdi Wahaab, Tifafatiraha Idaacada Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar iyo Wariye Maxamed Cabdi Cali.

Mareeg Media

 

Sharing is caring!

View All

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com