Qaxooti horleh oo soo gaaray Dekedda Boosaaso




Doonidaan oo lagu Magacaabo Suldaanah oo ka soo shiraacatay Dekedda Magaalada Mukallah ee dalka Yemen ayaa xalay saqdii dhexe ku soo xiratay Dekedda weyn ee Magaalada Boosaaso.

Dadka saarnaa doonida oo gaarayay 209 qof ayaa isugu jira Rag , Dumar iyo Caruur sida uu Shabelle uga warbixiyay Burhaan Muuse Xasan oo ah Agaasimaha Qaxootiga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Puntland.

Waa tiradii ugu yareed oo Qaxooti ka soo cararaya dalka Yemen oo soo gaaray Dekedda Boosaaso tan iyo inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan

Sharing is caring!

Next page