Qaraxyo lagu qaaday Hotelo ku yaal magaalada Muqdisho

Qaraxyo xoog leh ayaa caawa maqrabkii lagu weeraray labada hotel ee Siyaad oo ku yaal meel u dhow madaxtoyada iyo hotel Weheliye oo ku yaal wadada Maka Al Mukarammah.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay gudaha u galeen hotelada, iyadoo laga maqlayo qaraxyo iy rasaas. Hase yeeshee lama oga khasaraha ka dhashay weeraradan.

Qaraxyadan ayaa bilowday abaarihii xilliga afurka, iyadoo ahaa kuwo aad u xoogan oo laga maqlay meelo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Ururka Alshabaab ayaa sheegtay in uu ka dambeeyay weeraradan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ururka Alshabaab Sh.Cali Maxamuud Raage Sh.Cali Dheere ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in ay  ka dambeeyeen weerarada lagu qaaday hotelada Siyad iyo Weheliye.

wixii faahfaahin kala soco Mareeg.com

Sharing is caring!

View All