Akhri: Magacyada Masuuliyiinta ku dhintay & kuwa ku dhaawacmay qarax ka dhacay Muqdisho




Mareeg.com: Qarax iyo gaari iyo mid qof ismiidaamiyey geystay ayaa maanta xilligii salaadda Jimcaha ka dhacay Masjid ku yaalla Hotel Central ee Magaalada Muqdisho.

Hoteel_Centeral_Muqdisho

Weerarka oo Alshabaab sheegtay waxaa ku dhintay ilaa 20 ruux oo ay ku jiraan wasiiro, xildhibaano iyo dad shacab ah.

Dadka qaraxaas ku dhintay waxaa qaraxaas ku dhinteen dad badan oo ay ka mid ah xildhibaan Cumar Cali Nuur (Cumar Furdug), Xildhibaan Maxamud Ducaale Muse (Xaaji Kafee), Guddooomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ee dhanka Siyaasadda Maxamed Aadan Guuleed (Caane Geel), Cabdishakuur Mire Aadan oo horay u soo noqday Wasiiru-dowlaha dekedaha ee maamulka Puntland iyo siyaasiyiin kale.

Dadka la yaqaanoo ee dhaawacmay waxaa ka mid ah, Cali Axmed Jaamac (Jangali), oo ah Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada, Xildhibaan C/qaadir Cali Cumar, siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo darbi soo dumay wax gaarsiiyey, sida uu isagu sheegay.

Sidoo kale waxaa dhaawac fudud soo gaaray Nuur Faarax Xirsi, oo ah Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda iyo wasiir hore C/raxmaan Maxamed Bangax.

Wararka ayaa sheegaya in ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya ahna ku simaha ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte uu soo gaaray dhaawac fudud.

Weli lama hato tirada dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay, hase ahaatee waxaa jira warar sheegaya iney jiraan wasiiro kale oo dhaawacyi qaba iyo dad shacab ah.

Qaraxyada dadkaan halakeeyey ayaa ka dhashay gaari lagu soo xiray walxaha qarxa oo la dhigay masjid ku yaalla gudaha hotelka Central iyo qof suun qarxa xirnaa isna mar dambe is qarxiyey.

Hoteelka qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa gaaray Wasiirka Amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya iyo saraakiisha Ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.

Markii la qarxinayey Hotelka ayaa waxa ku sugnaa  Ra’iisul Wasaare Ku xigeeenka Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte iyo 10 Wasiir oo Xukuumadda ka tirsan iyo Siyaasiyiin kale.

Wasiirka Amniga Qaranka, Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo taliyeyaasha ciidanka xoogga dalka iyo booliska ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana socda baaritaanno.

Hotelka qaraxu ka dhacay wuxuu u dhaxeeyaa Ex-baarlamaan iyo Guriga hooyooyinka ee magaalada Muqdisho.

Wixii soo kordha kala soco Mareeg Media

Sharing is caring!

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com