Mududg: Burcad badeedda oo sii daayey afar nin oo reer Thailand ah

Mareeg.com: Afar nin oo u dhalatay dalka Thailand oo u afduubnaa koox burcad badeed ah ayaa xaalay la geeyey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Nimanka oo gacanta burcadda ku jiray in ka badan 3 sano ah ayaa lagu wareejiyay maamulka Galmudug, ee ka taliya Koonfurta Gaalkacayo.

Mas’uuliyoonta maamulka Galmudug ayaa ka gaabsaday iney faahfaahin ka bixiyaan qaabka lagu sii daayey dadkaas ajaanibta ah ee deegaankooda lagu heystay.

Nimanka ayaa markii la qabsaday la socday markab kalluumaysi oo lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya, kaas oo la sheegay inuu degay intii uu ku jiray gacanta burcadda.

Warka ayaa intaas ku daraya in afarta nin Khamiista maanta ah loo duulin doono magaalada Nayroobi ee xarunta dalka Kenya, si loogu sii gudbiyo dalkoosa.

Mareeg Media

Sharing is caring!

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com