Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha oo loo gudbiyay Guddoonka Baarlamaanka (Akhriso)

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta u gudbiyay Guddoonka Baarlamaanka mooshin kalsooni kala noqosho ah oo ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraalka Mooshinkan oo ay heshay mareeg.com ayaa ka kooban sagaal bog, waxaana Madaxweynaha loo cuskanayaa eedeymo ku aadan falal ku saleysan xadgudubyo culus oo lid ku ah Qaranimada Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Mooshinkan ay saxiixeen illaa 115 Mudane, waxaana sharci ahaan mooshinka ka gudbin kara Madaxweynaha 93 Xildhibaan.

Waxyaabaha Xildhibaanada ku eedeeyeen waxaa ka mid ah wax qabad la’aan, hogaan xumo xaga amniga iyo qodobo kale.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa galabta gacanta loo geliyay Mooshinkan, waxaana warar kale oo la helay sheegayaa in laga yaabo inay Maxkamadda sare ee dalka u gudbiso, si ay u soo hubiso eedeymaha Madaxweynaha ay u jeediyeen Xildhibaanada, haddii ay soo xaqiijisana uu Baarlamaanka markaas dood gelin karo.

Hadaba halkan hoose ka akhriso nuqulada uu ka kooban yahay Mooshinkan:-mooshin1

Sharing is caring!

Next page