Home
Aboutus

 

     
 
Xuska 38 guurada Maalinta Ciidamada Asluubta oo si weyn loogu dabaal degay Magaalada Muqdisho.

Munaasabad lagu maamuusayay 38-guuradii ka soo wareegatay Maalintii Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed la aas aasay ayaa manta lagu dhigay Xabsiga Magaalada Muqdisho.
 
Munaasabadan oo aheyd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas'uuliyiin ka socotay Dowladda Federaalka, Saraakiisha Ciidamada Dowladda, Maamulka Gobolka Banaadir iyo marti sharaf aad u badan.
 
Xubnihii ka soo qeyb galay xafladaas ayaa waxaa ka mid ahaa Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka 1aad ahna Wasiirka Cadaalada iyo Diinta Prof. Saalim Caliyow Ibrow, Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka 2aad ahna Wasiirka Waxbarashada Ceydiid Cabdulaahi Ilka Xanaf, Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta Nuur Iidow Beyle, Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Biyaha Maxamed Gaanje iyo Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.
 
Gen. C/llaahi Macalin Cali oo ah Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa ugu horeyn ka warbixiyay wax qabadka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, isagoona sheegay in Ciidanka asluubta si rasmi ah ay ugu biireen Ciidamada qalabka sida sanadkii 1970-kii, xilligaasoo uu sheegay in aheyd markii dhidiba loo aasay.
 
Genanka ayaa sheegay in Ciidanka Asluubta ay qabtaan howlo badan oo isugu jira difaaca qaranka, ilaalinta xabsiyada iyo xanaaneynta caruurta agoonta ah.
 
Waxa uu kaloo sheegay in Ciidanka Asluubta ay si toos ah ugu xiran yihiin Wasaarada Arrimaha Gudaha, Gaashaandhiga, Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Qoyska iyo qeybaha kale ee Ciidanka Dowladda.
 
Gen. C/llaahi ayaa waxa uu kaloo tilmaamay in 58 Xabsi ay maamusho Taliska Ciidanka Asluubta kuwaasoo u kala baxa Xabsiga Dhexe, Xabsi gaar ah, xabsi furan, Xabsi Gobol, Degmo iyo Xarumaha agoonta, kuwaasi oo uu sheegay in 20 ka mid ah ay ku yaalaan Deegaanada Puntland halka 38 kalena ay ku yaalaan Deegaanada Koonfurta.
 
Sidoo kale waxaa munaasabada ka hadashay Wasiirada Haweenka iyo horumarinta Qoyska Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye sheegtay in maalinta Ciidanka Asluubta ay tahay maalin xusid mudan, waxayna cadeysay in Ciidanka Asluubta iyo Wasaaradeyda ay yihiin kuwo isla shaqeynaya, iyagoo tababaraya Gabdhaha agoonta iyo wiilsha ee ku jira Xeryaha Ciidanka Asluubta.
 
Ugu dambeyn waxaa Xaflad ka hadlay Ra'iisul wasaare Kuxigeenka 1aad ahna Wasiirka Cadaalada iyo Diinta Prof. saalim Caliyow Ibrow oo daboolka ka qaaday in Dowladda Federaalka ay ahmiyad ballaaran siineyso Ciidamada Qaranka.
 
Prof. Ibrow ayaa sheegay isagoo ku hadlayo Magaca Madaxweynaha iyo Kan Xukuumada uu maanta hambalyo u dirayo dhamaan Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, wuxuuna ku amaanay dadaalka dheeraadka ah oo ay u galeen ilaalinta Xabsiyada iyo xerooyinka ay ku hayaan agoonta soomaaliyeed.
 
Xaflada maalinta Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu soo bandhigay riwaayad ka turjumeysay waxqabadka Ciidanka Asluubta, taasoo ay soo bandhigeen Hobalada Onkod oo ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.
 
Cabdi Casiis Golf   Xafiiska Wararka Mareeg ee Moqdisho 

Somalia    :       Tel 0025215561017    

   

London UK :  Tell 00447737886245          

 

 
News in English
Mobile Best deals no Credit check
 
 

Wixii su'aal ah nagala soo xiriir info@mareeg.com  or News@mareeg.com

 
    ©2001-2007 Mareeg.com  ®All rights reserved.       Designed by mareeg.org Nedstat Basic - Free web site statistics