Milkiilaha iyo saddex ka mid ah shaqaalaha Radio Shabeelle oo maanta maxkamad lasoo taagayo

Mareeg.com: Waxaa maanta lagu wadaa iney maxkamadda gobolka Banaadir kasoo hormuuqdaan labo ka mid ah maamulka Radio Shabeelle iyo SKY iyo 2 weriye ka howlgeliyey labadaas Idaacadood ee mataanaha ahaa, islamarkaana dowladda Soomaaliya horay u xirtay.

Milkiilaha Idaacada Shabelle, C/maalik Yuusuf Maxamed, Axmed Cabdi Xasan oo ahaa Kuxigeenka Madaxa Wararka Shabelle, iyo Wariyeyaasha kala ah Maxamed Bashiir Xsshi iyo Maxamuud Carab ayaa lagu wadaa iney maanta mar labaad hortgaan maxkamadda, iyadoo loo heysto iney fidiyeen warar kicin ah oo ka dhan dowladda Soomaaliya iyo amaanka dalka.

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa 21-kii bishii October damiin ku sii deysay Milkiilaha Idaacada Shabelle C/maalik Yuusuf Maxamed iyo Axmed Cabdi Xasan oo ahaa Kuxigeenka Madaxa Wararka Shabelle, iyadoo ay xabsiga ku jiraan Maxamed Bashiir Xsshi iyo Maxamuud Carab.

Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa ku eedeysay milkiilaha Shabeelle arrimaha kala ah: Dhiirigelinta in weriyaashu galaan dambiyo, Kicin dadweyne, Khiyaano qatan iyo ka hortaga ciidamada amaanka.

Idaacadda Shabelle iyo SKY FM ayaa tan iyo 15-kii Ausgust 2014 ka maqan Hawad iyadoo ay weli xiran yihiin 2 wariye oo ka kala tirsa Shabakadaha Mataanaha ah ee Shebelle iyo SKY FM.

 Mareeg Media

Sharing is caring!

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com