Agaasime soo maray Hayada Nabadsugida oo raba inuu noqdo madaxweynaha Maamulka G. Dhexe

Mareeg.com: Agaasimigii hore ee Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa raba inuu noqdo madaxweynaha maamulka la doonayo in laga dhiso Gobollada Dhexe ee Soomaaliya.

Axmed Macallin Fiqi oo xilligii madaxweyne Shariif Sheekh Axmed loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya ayaa isu soo taagay xilka madaxweynaha maamulka Gobollada Dhexe ee Soomaaliya, kaasoo aan weli la dhisin.

Kulan maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan qeybta Koonfureed ee maamulka Galmudug ka taliyo ayaa lagu taageeray musharaxnimada Axmed Macalin Fiqi.

Kulanka waxaa ka qeybgalay qaar ka mid ah Odayaasha deegaanka, waxgarad iyo qeybo kale oo ka tirsan bulshada.

Maamulka Gobollada Ddhexe oo muran ka jiro qaabka loo dhisayo ayaa Axmed Macalin Fiqi noqday musharaxii ugu horreeyey ee xilka madaxweynaha isu soo taaga.

Mareeg Media

 

Sharing is caring!

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com