Meydka taliyihii booliska Soomaaliya oo baaritaan loogu qaaday Kenya

Mareeg.com: Meydka taliyihii hore ee booliska Soomaaliya, Jen. Maxamed Xasan Ismaaciil ayaa maanta loo duuliyey dalka Kenya si loogu sameeyo baaritaan dheeraad ah oo la xiriira qaabkii uu u geeriyooday.

Jen. Madaale oo ka tirsan booliska Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in meydka taliyaha loo qaaday Nairobi si loogu sameeyo baaritaan caafimaad oo lagu hubinayo qaabka uu u dhintay.

Wuxuu sheegay Jen. Madaale in aaska jenaraalka la qaban doono kadib marka ay soo baxdo naatiijada baaritaanka, markaas kadibna loo dhigi doono tacsi sida uu yiri.

Taliyaha booliska Soomaaliya ayaa galabtii khamiista si kedis ah ugu geeriyooday isbitaal ku yaalla Muqdisho, kadib markii xanuun kusoo booday, waxaana laamaha amaanku ka shakiyeen geerida deg deg ah.

Ilaa 4 ruux oo labo ka mid ahaayeen dhaqaatiir ka shaqeynayey isbitaalka uu ku geeriyooday ayaa loo xiray tuhun la xiriira geerida sarkaalkaas.

Mareeg Meida

Sharing is caring!

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com