Maxkamadda Alshabaab ee Baardheere oo xukuntay wiil iyo gabar

Mareeg.com: Maxkamad Alshabaab oo ku taalo degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa xukun ku riday wiil iyo gabar la sheegay iney kala sineysteen, islamarkaana gabartu uur qaadday.

Qaadiga maxkamada ayaa sheegay in labada ruux oo lagu eedeeyay xad sino ah la horkeenay maxkamada, islamarkaana si sharciga waafaqsan xukunka loogu riday.

Dadka xukunka lagu riday ayaa kala ah: Maxamed Cabdulaahi Cali oo da’diisa lagu sheegay 22 sano jir iyo Aamina Xasan Sabdoow oo da’deeda lagu sheegay 14-sano jir.

Qaadiga maxkamada Shabaab ee degmada Baardheere, ayaa goob fagaare ah ka sheegay in labadaan ruux aysan guur soo marin sidaas darteed lagu xukumay min 100 garbaash oo xad ah, iyadoo Maxamed Cabdulaahi Cali sidoo kale lagu xukumay in muddo hal sano ah laga musaafuriyo gobolka Gedo.

Isla goobta xukunka uu ka dhacay ayaa Maxamed lagula dhuftay 100 Karbaash, xilli ay daawanayeen boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid Xaafadaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Qaadiga maxkamada ayaa sidoo kale sheegay in Aamina Xasan Sabdoow oo 14 sano jir ah ay leedahay uur dhowr bilood ah, islamarkaana marka ay dhasho lagu fulin doono xukunka.

Mareeg Media

Sharing is caring!

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com