Maxaad ka taqaanaa milateriga dalka Masar (Sawirro)?

Mareeg.com: Dalka Masar wuxuu qeyb ka noqday dagaalka ka dhanka ah ISIS, markii hore waxaa gobolkaa Siinaa kula dagaalamayey ciidamada dalkaas koox la magacbaxday Ansaaru Beytal Muqadas, kuna biirtay dowladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Shaam.

Hadda waxaa ciidamada Masar ku furmay jiho kale oo ka mid ah dagaalka Daacish, waa Liibiya, kooxda ISIS ee dalkaas ayaa gowracay 21 Masaari ah, waxaana dalkaas isla maanta bilaabay duqeymo uu ku qaadayo gudaha dalka Liibiya.

Madaxweynaha dalka Masar, C/fataax Alsiisi ayaa wacad ku maray in dalkiisu ka aargoosan doono Daacish. Kooxdaan oo weerarkaa saaka diyaaraduhu ku qaadeen kadib hadashana waxey sheegeen iney nabad qabaan, ayna dili doonaan Masaari hor leh.

Haddaba maxaad ka taqaanaa ciidamada dalka Masar?.

Ciidamada dalka Masar waxey kaalinta 13-aad uga jiraan ciidamada ugu awoodda badan dunida oo dhan, waxeyna dhanka kale kaalinta 1-aad ka galeen ciidamada dunida Carabta iyo qaaradda Afrika.

Awoodda ciidamada dalka Masar ayaa kor usoo kacday wixii ka dambeeyey sanadkii 1973-kii, xilligaasoo ay dardareen Kanaalka Suez Canal iyo khadkii Bar-Lev, iyagoo dagaal kula jiray Israel.

Tirada ciidamada Masar waa: 470 Kun askari, Tirada ciidamada Kedydka ah: 800 kun askari, Tirada Taangiyada: 4,767 taangi, Tirada gaadiidka gaashaaman: 19,000 qiyaas ahaan.

Tirada diyaaradaha dagaalka: 1100 diyaaradood oo 358 ay yihiin diyaarado weerar qaada, 343 diyaaraha ka hortaga diyaaradaha kale ee dagaalka, 390 diyaarado tababar ah, 249 diyaarado ciidamada qaada ah, halka tirada soo hartay tahay helicopters kala duwan.

Tirada maraakiibta dagaalka: 237 oo isugu jiraa maraakiib dagaal, doonyo iyo gujisyada badda quusa. Miisaaniyadda Gaashaandhiga: $4.4 Milyan dollar snadkiiba.

Tan iyo sanadkii 1948-kii, wuxuu Mareykanku ciidamada Masar ku bixiyey lacag dhan $70 Bilyan dollar oo taageero ah.

Waxaa kale oo Mareykanku ciidamada Masar sanad kasta siiyaa lacag dhan $1.3 billion. bixinta lacagtaas waxaa la bilaabay sanadkii 1979, xilligaasoo uu Masar iyo Israel dhexmaray heshiiskii Camp David.

Dad badan ayaa rumesyan in lacagtaas faraha badan Mareykanku u siiyo ciidamada Masar si ay danihiisa u fuliyaan, islamarkaana u nabad gelayaan Israel  oo haddii uu ka horjeestaanaya halis gelin karaan.

Ciidamada dalka Masar ayaa taariikh dheer u leh iney burburiyaan qolyaha Islaamiyiinta ah ee dalkaas ka kaca, waxaase hadda laga war sugayaa halka ay isla maraan iyaga iyo Daacish oo dalkana u joogta, soohdimahana u fadhida.

Mareeg Media

Sharing is caring!

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com