Masuul ka tirsan maamulka degmada Afgooye oo lagu dilay qarax haleelay gaarigiisa

Mareeg.com:  Gaari uu watay Xoghayaha Dowladda Hoose ee degmada Afgooye iyo gudoomiyaha guddiga Xallinta Khilkaafaatka dhulka Afgooye Cali Caddow Cali Cali ayaa ka dhacay agagaarka Isbitaalka Xaawo Cabdi oo u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye.

Agaasimaha Isbitaalka Xaawa Cabdi, Qadar Maxamuud ayaa sheegay in Cali Cadow Cali iyo qaar ka mid ah ilaaladiisu ay ku dhinteen qaraxaas, islamarkaana qaar kale oo ka tirsan ciidankii la socday ay dhaawacmeen.

“Isbitaalka iriddiisa waxaa ka dhacay qarax, gaari qooqan ah oo uu lahaa oghayaha Dowladda Hoose ee degmada Afgooye iyo gudoomiyaha guddiga Xallinta Khilkaafaatka dhulka Afgooye Cali Caddow Cali Cali ayaa iska lahaa gaariga, wuuna ku dhintay, labo ka mid ilaaladiisu oo dhintayna waan aragnay iyo labo dhaawac ah” ayuu mas’uulkaas ka tirsan Isbitaalka Xaawo Cabdi u sheegay Radio KNN.

Mas’uulkaas ayaa sheegay in gaariga ay ninkaasi watay uu burburay, islamarkaana ay goobta yaallaan helib aadani oo go’go’ay.

Ciidamo kamid ah Milatariga Soomaaliya ayaa gaaray goobta garaxa ka dhacay, iyagoona qaaday meydadka iyo dhaawacyada qaraxasi reebay.

Mareeg Media

Sharing is caring!

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com