Markab dhuxul ka keenay Somalia oo lagu qabtay xeebaha mid ka mid ah dalalka Carabta

Markab siday shixnad dhuxul ah oo laga keenay Somalia, taas oo la doonayay in hab kontorobaan ah loo galiyo dalka Kuwait ayaa waxaa gacanta ku dhigay Ciidamo Huwan ah oo fadhigoodu yahay dalka Bahrain.

Markabka ayaa la sheegay inuu siday cadad badan oo dhuxusha laga keeno dalka Somaliya, taasoo mamnuuc ka ah in la soo galiya dalkaasi.

Warbixin ay soo saareen ciidamadaasi ayaa lagu sheegay in markabkan lagu qabtay biyaha wadanka Kuwait sida ay faafisay Wakaaladda wararka Kuwait ee KUNA.

Warbixinta ciidamada huwanta laguma sheegin magaca markabka, Halka uu ka soo shiraacday iyo inta tan ee dhuxul ah ee uu siday, waana markii u horaysay ee Markab dhuxul sida lagu qabto xeebaha badda carbeed.

Qaramada Midoobay ayaa horay u mamnuucday ganacsiga dhuxusha laga gubo dhirto iyagoo loo aanaynayo inay tahay ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan ee Kooxda Al-shabaab, hase yeeshee weli waa socdaa dhoofinta iyo ganacsiga dhuxusha ee loo iibgeeyo dalalka carabta qaarkood.

Sharing is caring!

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com