Maraykanka oo Dhaqaalo ugu Yaboohaya Soomaaliya

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, mudane John Kerry oo booqsho kmaraya wadama ay kenya ka mit tahey ayaa aduun dhan 170 Milyan oo doolar waxuu u balan qaaday in la siin doono Dowlada Soomaaliya.

Mr. John Kerry ayaa waxuu shaaca ka qaaday in lacagtaasi wax badan loogu qaban doono barakacayaasha, Qaxootiga ka soo laabanaya Dalka Kenya, iyo kuwa kale ku sugan goobaha ay ku dhufteen abaaraha.

Dhinaca kale, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka , John Kerry ayaa wuxuu ku baaqay in dhaqaalo lagu taageero Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, si loo xoojiyo amniga dalka, ka hor inta aan la gaarin xilliga doorashada.

John Kerry ayaa sidoo kale ugu baaqay Ciidamada AMISOM xoojinta xasiloonida Degaanada iyo Degmooyinka laga saaray Xarakada Al Shabaab.

Ugu dambeyn, Xoghaye Kerry ayaa ku taliyay in la adkeeyo ammaanka dalalka deriska la ah Somaliya, sida Kenya oo kale, si buu yiri looga hortago Weerarada qorsheysan ee Xarakada Al Shabaab.

Sharing is caring!

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com