Maleeshiyaad hubeysan oo Weerar ku qaaday Garoonka Diyaaradaah Magaalada Cadaado

Cadaado (Mareeg) — Wararka laga helayo Magaalada Cadaado ayaa sheegay in Maleeshiyaad hubeysan ay Weerar uu ka dhashay khasaaro kala duwan ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

 

Weerarkan ayaa waxuu ka dambeeyay isqab-qabsi maalmihii ugu dambeeyay u dhaxeeyay Ganacsatada Qaadka u soo dagga iyo Maamulka Galmuduga, iyadoona amaanka Garoonka Magaalada Cadaado lagu wareejiyay Ciidamada Nabad Sugida Somalia.

 

Wararka ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka weeraray Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Cadaado ay ka amar qaataan mid ka mid ah Ganacsatada Qaadka u dagga ee halkaasi ku sugan.

 

Qaadka ayaa maanta lagu soo dejiyay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Caabudwaaq ee Gobolkaasi Galgaduud kadib markii amaanka Garoonka lagu wareejiyay Ciidamada Nabad Sugida ee Dowladda Soomaaliya.

 

Dhinaca kale, Odayaal iyo Waxgarad ayaa ku baxay xiisada u dhaxeya Maleeshiyaadkaasi hubeysan iyo Maamulka Galmudug, iyadoona ay socdaan waan waan labada dhinac.

 

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Weerarkii lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Cadaado ee Xaraunta KMG ah ee Maamulka Galmudug.

 

Sharing is caring!

Next page