Madaxweyne Xasan Sheekh oo kor u qaaday maqaamka Axmed Madoobe

Mareeg.com: Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kor u qaaday darajada Maamulka KMG ah ee Juba, iyadoo magaciisa wax laga badelay, sidoo kalana la badelay title-ka mas’uulka maamulkaas ugu sarreeya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Max’ud oo shalay booqday Kismaayo ayaa halkaas uga dhawaaqay in maga maamulka Juba laga dhigay “Dowladda Jubaland”.

Sidoo kale, madaxwyene Xasan ayaa sheegay in hogaamiyaha maamulkaas, Axmed Madoobe hadda kadib loogu yeerayo “Madaxweynaha dowladda goboleedka Jubaland”.

“Maamulada KMG ee dalka dhan ka jira Juba waa ka mid, waa maamul KMG ah, maadaama heshiiskii Jubaland lagu aas aasay uu ahaa heshiis dowladda federaalka iyo maamulka ay wada galeen, maantana marxaladihii waa ka soo gudbay, sidaas daraadeed magacii hogaamiyaha heshiiska ku wada galnay, waa la bedelay, waxaa uu hada yahay Madaxweynaha” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sababta xilligaan kor loogu qaaday darajada hogaamiyaha Jubaland, Axmed Madoobe ayaa loo badinayaa iney tahay qancinta maamulkaas oo sida la sheegay horay loogu ballan qaaday in xilka RW Soomaaliya loo magacaabayo siyaasi iyagu doorbidayeen, balse laga noqday.

Mareeg Media

Sharing is caring!

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com