Madaxweyne Xasan: Shirku wuxuu ka dhacaa Cadaado “Caasimadda waa Dhuusa Mareeb,




Sharing is caring!

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Dhuusa Mareeb ee xarrunta gobolka Galgaduud uga dhawaaqay halka lagu qabanayo shirka maamul u smaeynta Mudug iyo Galgaduud.

Madaxweynaha oo khudbad u jeediyey odayaashii ka qeybgalay shirkii dib u heshiisiinta ee lagu qabtay Dhuusa Mareeb ayaa cadeeyey in 11-ka bishaan April uu degmada Cadaado ka furmi doono shirka maamulka loogu dhisayo gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale ku dhawaaqay halka ay noqoneyso caasimadda maamulka gobollada Dhexe, wuxuuna sheegay iney tahay magaalada Dhuusa Mareeb ee xarrunta gobolka Galgaduud.

“Caasimadda dowlad goboleedka dhalan doonta waa Dhuusa Mareeb, shirkana waxaa gogoshiisu tahay Cadaado, go’aankaas ayaa dowladdu agaartay” ayauu madaxweyne Xasan Sheekh ka sheegay Dhuusa Mareeb.

Ugu dambeyntii, madfaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dadka gobollada dhexe iney dhistaan maamul ay u dhan yihiin.

Mareeg Media

Next page

Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com