Madaxweyne Farmaajo Oo Sheegay In Ay Dowladiisa Ka Shaqeeyn Doonto Hormarka Dalka

Madaxweynaha Cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo si rasmi ah xilka Madaxtinimo ee dalka ula wareegay shalay ayaa sheegay in dowladiisa ay ka shaqeen doonto hormarka dalka waxaana uu dalbaday Madaxweyne faraamjo in shacabku ay qaataan kaalintooda oo ay kala shaqeeyaan nabadgalyada islamarkaana Ciiddamada Amaanka ay Taageeraan.

Madaxweyne Farmaajo oo ah Madaxweyne ay jecelyihiin shacabka waxaa horyaala shaqooyin badan oo ubaahan wax kaqabasho sida abaaraha daran ee ka jira dalka, inuu soo magcaabo Ra’iisul Wasaare iyo arima kale iyadoo la caleema saari doono 22 bishaan oo ay kasoo qeybgalayaan sida lafilayo Madaxda Gobolka iyo qaar kamid ah kuwa Caalamka.

 

Sharing is caring!

More from my this site

About waashiton 523 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media reprrepresentative in somalia