Madaxweyne Farmaajo Oo Magacaabay Agaasime Ku Xigeenka Madaxtooyadda Soomaaliya




Sharing is caring!

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa magacaabay Agaasime ku xigeenka dhanka maamulka iyo maaliyadda Madaxtooyadda Soomaaliya waxa uuna u magacaabay marwo Aamino Saciid iydoona oo la shaqeyn doonta Agaasimaha guud ee Madaxtooyadda Fahad Yaasin Xaaji Daahir.

Marwo Aamino Saciid oo hore uga soo noqotay xildhibaan mid kamid ah dowladihii kumeel gaarka ahaa ayaa noqoneysa haweeneydii ugu horeysay ee xilkan oo kale loo magacaabo.

Waxay xilkan kala wareegtay Agaasime ku xigeenkii dhanka maamulka iyo maaliyadda Madaxtooyada Soomaaliya oo xilkan hayay muddo ka yar laba toddobaad.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horaantii Bishan Juun u magacaabay Fahad Yaasin Agaasimaha guud ee Madaxtooyadda Soomaaliya isaga oo xilka kala wareegay Abuukar Baalle.

Next page

About waashiton 740 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia